Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Isniin Ah 25-ka July

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Tababaraha kooxda Sporting Lisbon Ruben Amorim ayaa hoos u dhigay wararka la xiriira in ay weeraryahanka Manchester United Cristiano Ronaldo uu dib ugu soo laabanayo kooxda. Manchester Evening News

Weeraryahanka Manchester United Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay inuu dhimo mushaharkiisa si uu ugu qasbo inuu ka tago Old Trafford xagaagan. Sida laga soo xigtay Daily Mail

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay dhamaystirka saxiixa daafaca kooxda Sevilla ee Jules Kounde . Fabrizio Romano

Agaasimaha farsamada ee Arsenal Edu ayaa war wanaagsan ka bixiyay wadahadalada u socda Bukayo Saka ee ku saabsan heshiis cusub. Edu ayaa u sheegay The Athletic .

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay ku fashilantay isku daygii ay ku doonaysay saxiixa weeraryahanka Gabriel Jesus xagaagan sababo la xidhiidha baasaboorkiisa Brazil. El Larguero podcast,

Celta ayaa u sheegtay Barcelona inay bixiso 18 milyan oo euro si ay ula soo wareegto Javi Galan xagaagan, Mundo Deportivo

Newcastle United ayaa diyaar u ah inay wadahadalo la yeelato PSG si ay ugu dhaqaaqdo Julian Draxler, sida ay warineyso Le10Sport.

Tottenham ayaa isha ku haysa inay la soo wareegto daafaca dhexe ee Milan Skriniar oo ka tirsan Inter Milan, sida ay ku warameyso Sport Witness.

Juventus ayaa dalab €23m ka gudbisay xidiga Liverpool ee Firmino, sida laga soo xigtay Tuttosport.

Gianluca Scamacca ayaa yimid London si uu u dhamaystiro ku biiristiisa West Ham United, sida laga soo xigtay Daily Mirror.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*