Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay isku dayi karto saxiixa xiddiga Villarreal ee Pau Torres inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan hadii Gabriel Magalhaes uu ka tago kooxda. Sida laga soo xigtay saxafiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano
Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay rajaynayso in ay hesho lacag dhan 100 Milan oo euro (£85m) iyada oo iibinaysa Frenkie de Jong iyo Memphis Depay ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaagan. Sida laga soo xigtay Sport ,
Borussia Dortmund ayaa lagu soo waramayaa in ay Liverpool u sheegtay bishii June in Jude Bellingham aanu uga tagi doonin kooxda Jarmalka xaalad kasta oo ay ku jirto inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan. Sida laga soo xigtay saxafiga reer Talyaani Fabrizio Romano
Daafaca dhexe ee Borussia Dortmund Manuel Akanji ayaa lagu soo waramayaa inuu doorbidayo inuu ku biiro Manchester United inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan marka loo eego Arsenal . Sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport ,
Memphis Depay ayaa ku sii siqaya inuu ka tago Barcelona xagaagan.Sport
Manchester City ayaa loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan karto daafaca bidix ee Benfica Alejandro Grimaldo – sida laga soo xigtay iNews .
West Ham United ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta weeraryahanka reer Talyaani Gianluca Scamacca oo ka imaanaya Sassuolo xagaagan, sida laga soo xigtay Sky Sports .
Benfica ayaa rajeyneysa inay Alexis Sanchez kala soo wareegto Inter xagaagan.Tuttosport
Suxufiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in xaalada Cristiano Ronaldo ee Manchester United ay wali tahay mid aad u cakiran, iyadoo weeraryahanku aanu u dhawayn inuu xagaagan dhaqaaqo. Romano
Roma ayaa ku dhow inay la soo wareegto Georginio Wijnaldum oo ka tirsan Paris Saint-Germain, GOAl
Carney Chukwuemeka ayaa laga yaabaa inuu ka tago Aston Villa xagaagan.The Athletic