Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Jimco Ah 27 May

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Xiddiga AC Milan Rafael Leao ayaa qirtay inuu ku faraxsan yahay xiriirka suuqa kala iibsiga ee Real Madrid, laakiin wuxuu doonayaa inuu sii wato hormarkiisa kooxda Goal

kooxda Barcelona ayaa dooneysa xidiga Chelsea iyo Xulka France N’Golo Kante kaasi oo mugdi la galiyo mustaqbalkiisa Blues. Fichajes

Manchester United ayaa, diyaar u ah inay kor u qaadaan baacsiga ay ku doonayaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Frenkie de Jong. sida laga soo xigtay ESPN , 

West Ham ayaan qorsheyneynin inay iibiso Tomas Soucek xagaagan ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay dalabyo ka heleen sida laga soo xigtay Sky Sports News .

Arsenal ayaa ka fikireyso u dhaqaaqista xiddiga Manchester City Oleksandr Zinchenko. sida ay baahisay Daily Mail

Franck Kessie ayaa fariin sagootin ah u diray jamaahiirta Milan kadib guushii ay kooxdu gaadhay ee Seria A, isaga oo isku diyaarinaya in uu si xor ah ugu wareego Barcelona goal

Tottenham ayaa soo gudbin doonta dalab rasmi ah oo ku aadan daafaca dhexe ee Inter Milan, Alessandro Bastoni, isbuucaan. Sida laga soo xigtay Football Insider , ‘

Moussa Diaby ayaa lala xiriirinayaa kooxaha ku xifaaltama waqooyiga London ee Arsenal iyo Tottenham, laakiin L’Equipe ayaa ku warameysa in Newcastle ay sidoo kale dooneyso.

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*