Home Wararka Ciyaaraha Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Jimco Ah...

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Jimco Ah 29-ka July

0

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Manchester United ayaa weyn doonta Cristiano Ronaldo kulanka saaxiibtinimo ee isbuucaan ay la ciyaarayaan Atletico Madrid. Goal

Barcelona ayaa haatan diirada saaraysa booskeeda daafaca dambeedka ah iyaga oo u aqoonsan Sergio Reguilon bartilmaameed macquul ah. Sida laga soo xigtay Todofichajes , 

Everton ayaa wadahadalo horumarsan kula jirta Chelsea si ay Ross Barkley ugu soo celiso Goodison Park. Sida laga soo xigtay 90Min, 

Kooxaha FC Barcelona iyo Celta Vigo ayaa lagu soo waramayaa in ay ku heshiiyeen lacag dhan 2 milyan oo euro si ay ula soo wareegaan daafaca garabka ka ciyaara ee Oscar Mingueza, sida laga soo xigtay Sport .

Wakiilada weeraryahanka Barcelona Memphis Depay ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadalo la yeesheen kooxda ka dhisan Serie A ee Juventus si ay ugu soo dhaqaaqaan xiddiga heerka caalami ee dalka Holland xagaagan, sida laga soo xigtay Corriere dello Sport .

Daafaca Manchester United Eric Bailly ayaa laga yaabaa inuu isku arko inuu ka tagayo England xagaagan iyadoo kooxda Serie A ee AS Roma ay xiiseyneyso saxiixa ciyaaryahanka, sida laga soo xigtay Gazzetta Dello Sport .

Agaasimaha kubada cagta Manchester United John Murtough ayaa la kulmay wakiilka weeraryahanka RB Salzburg Benjamin Sesko usbuucii hore si uu ugala hadlo suurtagalnimada in lasoo wareego, sida laga soo xigtay MEN .

Juventus ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan labaad si uu ula shaqeeyo Vlahovic, waxaana ay u aqoonsadeen Memphis Depay inuu yahay mid u tartami kara. Sida laga soo xigtay Todofichajes 

Chelsea ayaa xiiseyneysa inay lasoo saxiixato daafacyada Denzel Dumfries iyo Skriniar oo ka tirsan Inter Milan suuqa kala iibsiga ee socda, sida laga soo xigtay Evening Standard .

Previous articleDEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Laga Saaray Liiska Ciyaartoyda Manchester United
Next articleReal Madrid oo ku fikiraysa inay amaah kula soo wareegto xiddiga Chelsea Timo Werner

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here