Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Khamiis Ah 14-ka July

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Newcastle ayaa ka tanaasushay baacsiga ay ku doonaysay xiddiga Real Sociedad Alexander Isak iyo kan Bayer Leverkusen Moussa Diaby – sida laga soo xigtay The Telegraph .

Arsenal ayaa diyaar u ah inay £42 milyan oo u dhiganta ($50m) ku iibiso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lazio Sergej Milinkovic-Savic, TuttoJuve .

Ajax ayaa isha ku haysa xiddiga Rangers Calvin Bassey si uu ugu noqdo bedelka macquulka ah ee Lisandro Martinez. sida laga soo xigtay Daily Mail

Dhanka kale Manchester United ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa Lisandro Martinez aduun dhan £46.5 million ($55m).

Paris Saint-Germain ayaa diyaarisay qiimo dhan 42 milyan oo gini oo u dhiganta ($50m) oo ay ku doonayso Presnel Kimpembe oo xiriir la leh Chelsea, sida ay sheegtay The Independent .

Chelsea ayaa laga yaabaa inay isku daydo inay kula xifaaltamaan Manchester United weeraryahanka Ajax Antony inkastoo ay mar hore la soo wareegeen Raheem Sterling, sida ay sheegtay GiveMeSport .

Wakiilka xidiga garabka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Leroy Sane ayaa kalyantigiisa u soo bandhigay kooxda Real Madrid sida ay baahisay Defensa Central.

Kadib wadahadalo dhexmaray tababare Thomas Tuchel iyo milkiilaha Todd Boehly, Chelsea ayaa go’aansatay inay ka soo horjeesato saxiixa Cristiano Ronaldo., sida ay warineyso Daily Mail.

Napoli ayaa xiisaynaysa saxiixa Paulo Dybala waxayna soo bandhigtay €6m (£5.1m) xiliciyaareedkii , sida uu qabo Corriere della Sera.

Juventus ayaa doonaysa in ay xoojiso daafaceeda ka hor xilli ciyaareedka 2022-23 waxana ay Arsenal kala xidhiidhay Gabriel Magalhaes, sida laga soo xigtay Independent.

Paris Saint-Germain ayaa dooneysa inay qandaraaska u kordhiso Lionel Messi ilaa 2024, sidaas waxaa qortay Marca .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*