
Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Barcelona ayaa Pau Torres u aragta badalka Jules Kounde, sida ay warinayso Mundo Deportivo .
AC Milan ayaa kula biirtay Roma tartanka loogu jiro saxiixa Davide Frattesi oo ka tirsan Sassuolo.Calciomercato
Bayern Munich ayaa qarka u saaran inay la soo wareegto Adam Aznou oo ka tirsan Barcelona, sida ay ku warameyso Sky Sport
Georginio Wijnaldum ayaa u sheegay Paris Saint-Germain rabitaankiisa ku biirista Roma, sida ay sheegtay L’Equipe .
Timo Werner ayaa si maldahan u sheegay inuu ka dhaqaaqi karo kooxda ka dhisan galbeedka London markii wax laga waydiiyay xaaladiisa haatan ee Chelsea iyo mustaqbalkiisa, taasoo ka nixisay Thomas Tuchel. Goal
Daafaca bidix ee Benfica, Alejandro Grimaldo, ayaa loo soo bandhigay Manchester City, sida laga soo xigtay Inews.
Barcelona ayaa isku dayi doonta inay la soo wareegto Jules Kunder oo ka tirsan Sevilla, kaasoo u muuqda inuu diyaar u yahay inuu ku biiro Chelsea. Sida laga soo xigtay Sport
Caught Offside ayaa ku warameysa in maamulaha Chelsea Thomas Tuchel uu isku dayayo wax walba oo uu awoodo si uu Armando Broja uga ilaaliyo kooxda xagaagan.
Be the first to comment