Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Khamiis Ah 23 June

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Tottenham ayaa weeraryahanada reer Brazil ee Richarlison iyo Raphinha ka dhigaysa bartilmaameedyada ugu sareeya suuqa kala iibsiga xagaagan, sidaas waxaa qortay Evening Standard .

Adrien Rabiot ayaa doonaya inuu ka tago Juventus kuna biiro Premier League, laakiin The Telegraph ayaa sheegaysa in Chelsea aysan weli u dhaqaaqin. The Telegraph

Gabriel Jesus iyo Raphinha ayaa haatan ah bartilmaameedyada ugu waaweyn kooxda Arsenal, sida ay qortay CaughtOffside .

Inter weli wax heshiis ah kama aysan gaarin Paulo Dybala, Tuttosport ayaana sheegeysa in Real Madrid ay wali fursad u heysato inay la wareegto. Tuttosport

Ousmane Dembele ayaa diyaar u ah inuu dhamaystiro qorshihiisa mustaqbalka ee Barcelona isla markaana uu u saxiixo heshiis cusub, sida ay warinayso AS .

Manchester United ayaa lala xiriirinayay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Southampton James Ward-Prowse, laakiin GiveMeSport ayaa sheegeysa in West Ham ay sidoo kale aad u dooneyso. GiveMeSport

Real Madrid ayaa diyaar u ah inay ku soo darto Dani Ceballos iyo Nacho Fernandez si ay u qiimeeyaan Nico Barella oo ka tagaya Inter, aCMW .

Frenkie de Jong ayaa weli ah bartilmaameedka ugu sarreeya ee Manchester United suuqa kala iibsiga ee xaggaaga, iyadoo Manchester Evening News ay soo warineyso in dalab kale la dirayo kaasi oo la hagaajiyay. Manchester Evening News

Chelsea ayaa xiiseyneysa daafaca dhexe ee Juventus Matthijs de Ligt, sida ay warineyso Sky Sports .

Tottenham ayaa ka baxday tartanka loogu jiro Gabriel Jesus, taasoo ka dhigeysa Arsenal inay dhameystirto soo wareejinta bartilmaameedkooda weerarka. Sida laga soo xigtay Evening Standard ,

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*