Home Warka Xiisaha Leh Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Khamiis Ah...

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Khamiis Ah 28-ka July

0

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Barcelona ayaa qarka u saaran inay Chelsea ku garaacdo saxiixa daafaca dhexe ee Sevilla Jules Kounde. Daafaca ayaa ku biiri doona Camp Nou marka uu dhamaysto tijaabada caafimaadka. Goal

Ronaldo ayaa ku wargaliyay Manchester United inuu doonayo in laga tanaasulo qandaraaskiisa si uu ula saxiixdo koox Champions League ah. Daily Mail

Chelsea ayaa qorshaynaysa in ay sii haysato Timo Werner wixii ka dambeeya dhamaadka suuqa kala iibsiga xagaaga – sida laga soo xigtay Kicker .

Juventus ayaa raadineysa dookhyo ay kula soo saxiixan karto xiddiga Chelsea Timo Werner heshiis amaah ah sida ay warineyso Sport1.

Erik ten Hag ayaa ogolaaday in ay la soo wareegaan xiddiga Bayer Leverkusen Moussa Diaby, iyadoo Manchester United ay raadineyso weeraryahan dhanka midig ah. Sida laga soo xigtay Fichajes , 

Valencia ayaa Samuel Lino kala soo wareegtay Atletico Madrid, sida ay kooxdu xaqiijisay .

Celta Vigo ayaa ku dhow inay la soo wareegto daafaca Barcelona Oscar Mingueza – sida laga soo xigtay AS .

Newcastle United ayaa diyaarinaysa dalab dhan 45 milyan oo euro oo ay ku doonayso xiddiga kooxda Real Betis ee Nabil Fekir sida uu sheegay Fichajes.

Firmino ayaa ku sii dhawaanaya inuu u dhaqaaqo Juventus qiimo dhan 19 milyan ginni. Sida laga soo xigtay Corriere dello Sport , 

Previous articleAjax oo sare u qaaday qiimaha Antony si ay meesha uga saarto xiisaha Manchester United
Next articleNapoli oo u bandhigtay fursad ay kula soo saxiixan karto Cristiano Ronaldo?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here