Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Khamiis Ah 30 June

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Halyeeyga Juventus Giorgio Chiellini ayaa qirtay inuu la yaabay markii loo yeeray inuu u dhaqaaqo horyaalka Mareykanka ee Los Angeles FC. Goal!

Bayern Munich ayaa diiday dalab seddexaad oo ay Barcelona ka gudbisay Robert Lewandowski. sida laga soo xigtay Bild ,

Manchester Evening News ayaa ku warameysa in ilaa 15 ciyaaryahan oo waa weyn ay ka tagi karaan Manchester United xagaagan. Manchester Evening News

Manchester City ayaa kaliya diyaar u ah inay la wareegto Nathan Ake haddii ay marka hore la soo shirtagaan badalkiisa, sidaas waxaa warinaysa Manchester Evening News .

Kalvin Phillips ayaa diyaar u ah inuu dhammaystiro 45 milyan oo ginni ($ 55m) oo uu kaga soo wareegay Leeds kuna biiray Manchester City toddobaadkan. sida laga soo xigtay Daily Mail ,

Juventus ayaa dooneysa in Liverpool ay ku darto Roberto Firmino heshiiska ciyaaryahanka khadka dhexe ee France Adrien Rabiot, sida ay sheegtay Calciomercatoweb .

ottenham ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa Richarlison oo ay kala soo wareegeen Everton, GOAL

Chelsea ayaa loo gacan galiyay dalabkooda ah inay Matthijs de Ligt ka iibsadaan Juventus, iyadoo Maurizio Arrivabene – maamulaha Bianconeri – uu qirtay in kooxda Serie A aysan u eegi doonin inay ciyaaryahanna ku ceshato rabitaankooda, Goal

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*