Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Khamiis ah 4-ta Agoosta

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Chelsea ayaa diyaar u ah inay ku dalbato inta u dhaxaysa 10 milyan ilaa 12 milyan euro si ay Inter Cesare Casadei u hesho, sida ay warineyso Corriere dello Sport.

Paris Saint-Germain ayaa diyaar u ah inay Barcelona kula dagaalanto saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Bernardo Silva – sida laga soo xigtay Foot Mercato .

Leicester City ayaa u aqoonsatay garabka Chelsea Callum Hudson-Odoi bartilmaameedka suuqa kala iibsiga – sida laga soo xigtay CBS .

Bournemouth ayaa ku dhow inay dhamaystirto saxiixa goolhayaha Barcelona Neto – sida laga soo xigtay The Sun.

Laacibka khadka dhexe ee Lille Renato Sanches ayaa si rasmi ah ugu biiray Paris Saint-Germain. 24-sano jirkaan ayaa u dhaqaaqay Parc des Princes ka dib seddex sano oo cajiib ah oo uu ku sugnaa Stade Pierre Mauroy,  Goal 

Georginio Wijnaldum ayaa gaaridoona Rome saacadaha soo socda, waxaana tijaabada caafimaadka la mari doonaa subaxa jimcaha ka dibna waa lasoo bandhigi doonaa ASRoma

Sevilla ayaa xaqiijisay in Alex Telles uu amaah hal xiliciyaareed ah kaga soo biiray kooxda Manchester United.

Wolves ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta Chelsea oo ku aadan saxiixa amaahda ee Michy Batshuayi, sida laga soo xigtay 90min .

Kabtanka Chelsea Cesar Azpilicueta ayaa lala xiriirinayaa kooxda Barcelona laakiin uma badna in kooxda reer London ay u ogolaato inuu baxo warbaahinat qaarkood ayaa tabineysa inuu heshiis cusub saxiixay sida laga soo xigtay The Times.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*