Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Khamiis ah 5 May

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Monaco Aurélien Tchouaméni ayaa doonaya inuu u dhaqaaqo Real Madrid – sida laga soo xigtay AS .

Liverpool ayaa ku raad joogta daafaca midig ee Aberdeen Calvin Ramsey – sida laga soo xigtay Liverpool Echo .

Barcelona ayaa, qaboojisay xiisahooda weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Haaland sababo la xiriira qaab nololeedkiisa. sida laga soo xigtay AS , 

Erik ten Hag ayaa isha ku haya inuu keeno daafaca dambeedka midig ee Inter Denzel Dumfries si uu qeyb uga noqdo qorshaha Manchester United xagaagan – sida laga soo xigtay Tuttosport .

Newcastle ayaa loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan karto xiddiga garabka uga ciyaara Watford Ismaila Sarr – sida laga soo xigtay Football Transfers .

Kylian Mbappe iyo Paris Saint-Germain ayaa mabda’ ahaan heshiis ka gaaray heshiis kordhin – sida laga soo xigtay Le Parisien .

Zlatan Ibrahimovic ayaan meesha ka saarayn rajada uu ku soo laabanayo horyaalka MLS mustaqbalka dhow ESPN 

Dortmund ayaa dalab ka gudbisay Paulo Dybala beeca xorta ah xagaaga, Corriere dello Sport ayaa werisay.

Romelu Lukaku ayaa u hiloobay inuu xagaaga u dhaqaaqo Real Madrid, sida ay warineyso Defensa Central .

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Coventry xidiga Gustavo Hamer ayaa ah mowduuca ay xiiseyneyso Brighton – sida laga soo xigtay Insider Football .

Tottenham ayaa indha indheysay labada ciyaaryahan ee Villarreal Pau Torres iyo Arnaut Danjuma – sida laga soo xigtay 90min .

Bayern Munich ayaa u aqoonsatay rajada Barcelona Iker Cordoba bartilmaameedka suuqa kala iibsiga – sida laga soo xigtay Sport 1 .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*