Home Horyaalka France Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Khamiis ah...

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Khamiis ah 8-ta Agoosta

0
Ad

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Roma ayaa la fahamsan yahay inaysan ku faraxsanayn dalabka ay Tottenham ka gudbisay xiddiga khadka dhexe ee Nicolo Zaniolo, sida lagu sheegay 90 daqiiqo .

Chelsea ayaa diyaar u ah inay jabiso qiimaha rikoorka ah ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyagoo ku doonaya saxiixa Wesley Fofana, sida laga soo xigtay Football.london .

Ad

Giacomo Raspodori ayaa ka codsaday Sassuolo inay u ogolaato inuu ku biiro Napoli xagaagan. Calciomercato

Newcastle ayaa isku dayaysa inay Luis Muriel kala soo wareegto Atalanta, sida laga soo xigtay Tuttosport .

Destiny Udogie ayaa noqon kara saxiixii todobaad ee Tottenham xilli ciyaareedkan, sida laga soo xigtay football.london.

Atletico Madrid ayaa dalab ka gudbisay weeraryahanka Bayer Leverkusen Iker Bravo, sida laga soo xigtay Marca .

PSG ayaa diyaar u ah inay dalab horumariyo ah ka gudbiso Milan Skriniar, sida ay ku warantay warbaahinta Talyaaniga ee Gazzetta.

Tababaraha Barcelona Xavi ayaan wali ogayn in Frenkie de Jong uu sii joogi doono kooxda xilli ciyaareedkan. Goal

Benfica ayaa ku dhow inay la soo wareegto Ricardo Horta oo ka tirsan Braga, A Bola .

Previous articleWakiilka Marko Arnautovic oo xaqiijiyay dalab uga yimid koox kamid ah kooxaha Waaweyn
Next articleJoan Laporta oo ku booriyay labo kamid ciyaaryahanada Barcelona in aan la rabin oo ay raadsadaan kooxo cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here