Home Wararka Ciyaaraha Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Sabti Ah...

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Sabti Ah 1-ka Agoosta

0

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Xiddigii hore ee Liverpool ayaa u muuqda mid ka tagaya PSG, iyadoo Roma loo arko inay ugu cadcad tahay, laakiin waa la arki doonaa haddii ay labada dhinac ku heshiiyaan heshiiska. Goal!

Manchester United ayaa bartilmaameed ka dhigtay weeraryahanka Stuttgart Sasa Kalajdzic – sida ay ku warameyso Daily Mail .

Chelsea ayaa ka hor istaagtay Fulham inay u dhaqaaqdo Malang Sarr, sida laga soo xigtay Evening Standard.

Chelsea ayaa xiiseyneysa inay lasoo saxiixato daafaca bidix ee Brighton Marc Cucurella, sida ay warineyso Daily Mail.

Newcastle ayaa soo gudbisay dalabkii labaad ee la hagaajiyay oo ku aadan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Leicester City James Maddison, sida laga soo xigtay Sky Sports .

Liverpool ayaa filaysa dalabyada Nat Phillips usbuucan, iyadoo Fulham iyo Bournemouth ay ka mid yihiin kuwa doonaya saxiixa daafaca dhexe. Goal

Charles de Ketelaere ayaa gaaray magaalada Milano si uu u dhameystiro tijaabada caafimaadka ka hor inta uusan u saxiixin AC Milan. FC Milano

Juventus ayaa isha ku heysa inay la soo wareegto Lucas Paqueta oo ka tirsan Lyon, sida laga soo xigtay CalcioMercatoWeb.

Manchester City ayaa xiisaynaysa in ay Juventus heshiis is dhaafsi ah la gasho oo ku lug leh Ilkay Gundogan iyo xiddiga khadka dhexe ee Brazil Arthur, sida laga soo xigtay Calciomercato .

Thomas Tuchel ayaa doonaya in uu Josko Gvardiol ka soo dajiyo kooxda chelsea waxana uu tababaraha reer Germany xitaa u wacay xidigan si uu u dadajiyo saxiixa xiddiga sida laga soo xigtay Sport1.

Previous articleXavi oo qirtay inuusan dammaanad qaadi karin in Frenkie de Jong uu sii joogi doono Camp Nou x
Next articleManchester City iyo Juventus oo is Dhaafsanaaya Ilkay Gundogan iyo Arthur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here