Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Sabti Ah 16-ka July

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Brahim Diaz oo sii joogi doona AC Milan xilli ciyaareedka soo socda, sida laga soo xigtay AS .

Real Madrid ayaa dalbanaysa lacag dhan 10 milyan oo euro si ay u hesho Dani Ceballos xagaagan, Mundo Deportivo

Sampdoria ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo xiddiga Atletico Madrid Marcos Paulo. Sky Sport

Paris Saint-Germain ayaa la soo wareegtay Hugo Ekitike oo ka yimid Reims, Kooxda reer France ayaa amaah kula soo wareegtay ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2022-23 laakiin waxa ay haystaan ​​fursad ay ku iibsadaan. Goal

Barcelona ayaa xaqiijisay inay heshiis la gaartay Robert Lewandowski oo ka tirsan Bayern Munich. FCBarcelona

Bayern Munich ayaa qarka u saaran inay dalab seddexaad ka gudbiso weeraryahanka Rennes Mathys Tel, sida laga soo xigtay L’Equipe .

AC Milan ayaa aaminsan in Japhet Tanganga uu yahay ninka xoojinaya daafaceeda xagaagan. Calciomercato

FC Barcelona ayaa la xiriirtay Aston Villa si ay ula soo wareegto 18-jirka khadka dhexe ee England Carney Chukwuemeka, sida laga soo xigtay Mundo Deportivo .

Arsenal ayaa diyaar u ah inay lasoo wareegto daafaca Bayer Leverkusen Edmond Tapsoba, sida ay ku warameyso FootballTransfers .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*