Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Sabti Ah 23-ka July

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Neymar ayaa ku adkeysanaya inuusan dooneynin inuu ka tago kooxda heysata horyaalka Ligue 1 waqti dhow. goal

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis cusub oo waqti dheer ah u soo bandhigtay xiddigeeda Bukayo Saka, sida laga soo xigtay Daily Mail .

Aaron Ramsey ayaa ku dhow inuu ka tago Juventus.Calciomercato

Manchester United ayaan wali ka quusan saxiixa xiddiga Ajax ee Antony.Kooxda Premier League ayaa qorsheynaysa isku daygii ugu dambeeyay ee ay ku doonayaan inay ku soo xerogeliyaan xiddiga garabka ka ciyaara,  GOAL

Roma ayaa qarka u saaran inay u dhaqaaqdo daafaca Manchester United Eric Bailly.Mirror

Juventus ayaa ka shaqeyneysa saxiixa Leandro Paredes oo ka tirsan Paris Saint-Germain, sida laga soo xigtay Tuttosport .

Kooxda La Liga ka dhisan ee Atletico Madrid ayaa xiiso u qabta saxiixa 17 jirka weerarka uga ciyaara Bayer Leverkusen ee Iker Bravo Bild

Tababaraha West Ham United David Moyes ayaa xiiseynaya saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Napoli Piotr Zielinski, sida laga soo xigtay Tuttomercatoweb .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*