Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Sabti Ah 30-ka July

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa diiday inuu shaaca ka qaado in kooxdiisu ay isku dayayso saxiixalabada xiddig ee Chelsea Cesar Azpilicueta iyo Marcos Alonso inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan. CBS Sports .

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay dalab u gudbisay Inter Milan si ay ula soo saxiixato khadka dhexe ee Cesare Casadei, sida laga soo xigtay Gianluca Di Marzio .

Edin Dzeko ayaa iska diiday dalab uu ugu biirayo Borussia Dortmund isagoo kasoo tagaya Inter, sida ay qortay Calciomercato .

Weeraryahanka Chelsea Timo Werner ayaa loo malaynayaa inuu ogolaaday inuu dhimo mushaharkiisa 50% si uu ugu soo laabto RB Leipzig xagaagan. BILD

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay u calaamadsatayxiddiga Inter Milan Lautaro Martinez saxiix ku haboon hadii Roberto Firmino uu kooxda ka tago sanadka dambe. Sida laga soo xigtay majaladda Talyaaniga ee Calcio Mercato

Benni McCarthy ayaa ku biiray shaqaalaha tababarka ee Manchester United. ESPN

Memphis Depay ayaa ku dhow inuu ka tago Barcelona. Wargayska Sport

Napoli ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto Kepa Arrizabalaga oo ka tirsan Chelsea, Tuttosport ayaa werisay.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*