Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Talaado ah 10 May

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Raphinha ayaa u sheegay Barcelona inuu doonayo inuu kaga soo biiro Leeds hadii kooxda laga saaro heerka Premier League, sida uu qabo Todofichajes .

Man City ayaa xaqiijisay inay 64 milyan ginni kula soo wareegtay Haaland, GoaL!

Liverpool ayaa qorsheyneysa inay dib ula furto Sadio Mane wadahadalo ku saabsan mustaqbalkiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in xiddiga Senegal ay xiiseynayaan labada Bayern Munich iyo Barcelona. Goal

Barcelona ayaa ah kooxdii ugu dambeysay ee shaacisa xiisaha ay u qabto ciyaaryahanka Sevilla Jules Kounde, sida ay warineyso AS .

Arsenal ayaa, sii wada raadinta weeraryahanka Everton Dominic Calvert-Lewin ka hor suuqa kala iibsiga xagaaga. sida laga soo xigtay Daily Mail , 

West Ham ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Aston Villa Ollie Watkins, sida laga soo xigtay Guardian .

Tottenham ayaa qarka u saaran inay Manchester United ku garaacdo saxiixa goolhaye Sam Johnstone, sida laga soo xigtay Standard.

Benfica ayaa ka shaqeyneysa heshiis ay kula soo saxiixaneyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee PSV Mario Gotze – sida laga soo xigtay A Bola .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*