Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Talaado Ah 12-ka July

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Chelsea ayaa ku dhow inay la soo wareegto Kalidou Koulibaly oo ka tirsan Napoli. The Athletic 

Juventus iyo Inter ayaa labaduba ku jira loolanka loogu jiro saxiixa Gleison Bremer oo ka tirsan Torino, laakiin ilaa hadda ma jiraan dalabyo ku habboon oo u yimid daafaca, sida uu sheegay madaxweyne Cairo Urbano.

Newcastle ayaa rikoor ku soo qaadaneysa weeraryahanka reer Sweden Alexander Isak, sida laga soo xigtay The Telegraph .

Manchester United ayaa sare u qaadaysa isku daygeeda ay kula soo saxiixaneyso Lisandro Martinez oo ka tirsan Ajax, sida ay ogaatay Goal

Barcelona ayaa isha ku haysa da’yarka Aston Villa Carney Chukwuemeka, sida laga soo xigtay Mundo Deportivo .

Weeraryahanka Aaron Connolly ayaa laga yaabaa inuu u dhaqaaqo Venezia ee Serie B xilli labada kooxood ay wadahadalo horumar leh kula jiraan.

Robert Lewandowski ayaa gaaray xarumaha Bayern Munich si uu tijaabada caafimaadka ugu maro xilli ciyaareedka cusub. Si kastaba ha ahaatee, weeraryahanka ayaa weli doonaya inuu ka tago Jarmalka oo uu u dhoofo Barcelona. Torben Hoffmann

Juventus ayaa qarka u saaran inay 4 milyan oo Yuuro kula soo wareegto daafaca bidix Andrea Cambiaso oo ka tirsan Genoa, sida ay xaqiijisay  Goal

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*