Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Talaado Ah 17-da January

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Arsenal ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo garabka Bayer Leverkusen Moussa Diaby ka dib markii ay Chelsea ku garaacday saxiixa Mykhailo Mudryk, sida laga soo xigtay Sky Germany.

Manchester City iyo Julian Alvarez ayaa horay uga wada hadlay oo ay ku heshiiyeen inay hagaajiyaan shuruudaha qandaraaskiisa, iyadoo heshiiska cusub uu dhaqan geli doono toddobaadyada soo socda. waa sida ay sheegtay Veronica Brunati

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo daafaca midig ee Real Valladolid Ivan Fresneda .The Telegraph

Newcastle United ayaa go’aansatay inay u kordhiso Loris Karius sii joogida kooxda inkastoo qandaraaskiisa uu gabaabsi yahay, si Karl Darlow uu amaah ugu baxo, sida laga soo xigtay Daily Mail.

Arsenal ayaa isha ku haysa inay la soo wareegto Declan Rice xagaaga, waxayna sidoo kale kalsooni ku qabtaa inay ku garaacdo Chelsea ciyaaryahanka khadka dhexe ee West Ham, sida laga soo xigtay The Guardian.

Everton, Bournemouth iyo Nottingham Forest ayaa doonaya inay Arnaut Danjuma amaah kaga soo qaataan Villarreal ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, sida laga soo xigtay Sky Sports.

Southampton ayaa raadineysa inay heshiis joogto ah kula soo saxiixato weeraryahanka Villarreal Nicolas Jackson, sida laga soo xigtay The Athletic.

Crystal Palace ayaa isha ku haysa saxiixa xiddiga Chelsea Connor Gallagher, sida laga soo xigtay Sky Sports.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*