Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Talaado Ah 17 May

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Messi oo ku biiraya Inter Miami: Xiddiga PSG ayaa lagu soo waramayaa in laga doonayo Horyaalka MLS, Goal

maamulaha cusub ee Manchester United Erik Ten Hag ayaa raadinaya inuu Jurrien Timber ka keeno Ajax isaga oo bilaabaya mashruuciisa cusub ee Premier League. Sida laga soo xigtay The Mirror , 

Paul Pogba ayaa ka helay Juventus heshiis saddex sano ah oo uu ku qaadanayo lacag dhan 7.5 milyan euro Sida ay qortay GOAL

Barcelona ayaa u furan fikradda ah inay u soo bandhigto Memphis Depay si ay u xaqiijiso heshiiska Robert Lewandowski, sida laga soo xigtay Mundo Deportivo.

Kylian Mbappe uu heshiis la gaaray Real Madrid, iyadoo heshiiska xiddiga Paris Saint-Germain lagu dhawaaqi doono ka dib finalka Champions League sida ay xaqiijisay GOAL.

Jose Mourinho ayaa doonaya in uu Nemanja Matic ku biiro kooxda Roma – sida laga soo xigtay Calciomercato .

Angel Di Maria ayaa beeca xorta ah ugu biiri doona Juventus xagaagan, kadib markii uu ogolaaday heshiis hal sano ah oo uu ku sii joogayo garoonka Allianz Stadium, GOAL

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*