
Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Inter ayaa dib ula soo saxiixan doonta Romelu Lukaku amaah ka dib markii uu ku guuldareystay 12-kii bilood ee ugu horeysay ee Chelsea, Goal
Arsenal ayaa 30 milyan ginni kula soo wareegtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Porto Fabio Vieira, sida la xaqiijiyay.Goal
Sebastien Haller ayaa noqon doona ninka bedelaya Erling Haaland ee Borussia Dortmund, sida ay sheegtay ESPN .
Manchester United iyo Tottenham ayaa weli ugaarsi ugu jira daafaca xidiga kooxda Villarreal ee Pau Torres, sida ay sheegtay GiveMeSport .
Sadio Mane ayaa tijaabada caafimaadka u maray kooxda Bayern Munich xilli weeraryahanka reer Senegal uu ku dhawaanayo in uu ka tago Liverpool isaga oo ku kacaya 41 milyan oo euro (£35m/$43m) .
Weeraryahankii hore ee Manchester United, West Ham, Juventus iyo Manchester City Carlos Tevez ayaa qaadaya tillaabadii ugu horeysay ee uu ku noqonayo tobare ka dib markii uu dhaxlay majaladda Rosario Central ee Argentina.
Albert Sambi Lokonga ayaa rajeynaya inuu baaqi kusii ahaado Arsenal xilli ciyaareedka 2022-23, sida ay qortay Football.london .
Aaron Wan-Bissaka iyo Brandon Williams ayaa loo sheegay inay xor u yihiin inay helaan koox cusub. Sida laga soo xigtay MEN ,
Be the first to comment