Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuu iska diiday fursad uu ugu cusbooneysiin lahaa qandaraaskiisa Paris Saint-Germain . sida laga soo xigtay saxafiga reer Spain Gerard Romero ,
Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis shaqsi ah la gaartay daafaca midig ee kooxda Lyon Malo Gusto . Sida laga soo xigtay football.london
WeeraryahankaTottenham Hotspur Harry Kane ayaa shaaca ka qaaday inuu rajeynayo inuu wadahadalo qandaraas kordhin ah la yeesho Lilywhites “bilaha soo socda”. Isagoo la hadlayay Evening Standard
Arsenal ayaa weli suuqa ugu jirta xoojinta khadka dhexe waxayna diyaar u tahay inay kula tartanto Chelsea tartanka loogu jiro Moises Caicedo, sida laga soo xigtay Standard Sport .
Leicester City ayaa u aqoonsatay xiddiga Leeds United Jack Harrison bartilmaameedka suuqa kala iibsiga si ay kooxdu uga fogaato aaga u laabashada Premier League, sida laga soo xigtay The Telegraph .
Tababaraha kooxda Barcelona Xavi ayaa ku tilmaamay Martin Zubimendi “Ciyaaryahan weyn” iyadoo ay socoto hadal heynta ku saabsan mustaqbalka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Sociedad .
Tababaraha Chelsea Graham Potter kuma sii xisaabtamayaan Christian Pulisic, weeraryahanka ayaana loo ogolaan doonaa inuu baxo suuqa soo socda, sida laga soo xigtay Calciomercato via Marca.
Charlie Savage ayaa u muuqda mid ka tagaya Manchester United si uu amaah ugu biiro Forest Green Rovers ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, sidaas waxaa sheegay Simon Stone .
Newcastle ayaa kalsooni ku qabta inay ku garaaci karto Chelsea saxiixa garabka Everton Anthony Gordon ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga, sida laga soo xigtay The Telegraph.
Nottingham Forest ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato Kaylor Navas iyo Roberto Gagliardini, sida laga soo xigtay Sky Sports.