Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Talaado Ah 26-ka July

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Man Utd ayaa xaqiijisay heshiis kordhinta Fernandez iyo amaah uu ku baxay xidigan xili ciyaareedkan. MFC

Saraakiisha AC Milan Paolo Maldini iyo Frederic Massara ayaa la kulmay madaxda Club Brugge si ay ula soo saxiixdaan Charles De Ketelaere, sida laga soo xigtay Sky .

Iyadoo Jules Kounde uu u muuqdo mid ku wajahan Barcelona, dhanka kale Chelsea ay dareenkeeda u weecaneyso daafaca dambeedka midig ee Inter Denzel Dumfries. Standard Sport

Frenkie de Jong ayaan wax xiiso ah u qabin ku biirista Manchester United waxana uu kaliya ka tagi doonaa Barcelona una dhaqaaqi doona Chelsea, sidaas waxaa qaba Sport .

Cristiano Ronaldo ayaa dib ugu soo laabtay kooxda Manchester United iyadoo ay socdaan su’aalo iyo wada-hadalo labada dhinac ah lamana oga sida xaalka uu noqon karo saacadaha soo socda. Goal

Newcastle ayaa isku diyaarinaysa inay ka takhalusto kooxda ay ku xafiiltamaan Premier League ee Leicester saxiida weeraryahanka Strasbourg ee Ludovic Ajorque, sida ay sheegtay Football Insider .

Real Madrid, Barcelona iyo Paris Saint-Germain ayaa diyaar u ah inay kula tartamaan kooxaha miisaanka culus ee Premier League tartanka loogu jiro da’yarka Palmeiras ee Endrick. CaughtOffside

Manchester United ayaa isku diyaarinaysa inay heshiis amaah ah kula soo wareegto da’yarka aadka loo qiimeeyo ee Alvaro Fernandez. sida laga soo xigtay Football Insider ,

Antonio Conte ayaa doonaya in Tottenham ay miiska u saarto dalab dheeri ah xidiga kooxda Roma ee Nicolo Zaniolo ka dib markii kooxda reer Talyaani ay diiday dalabka 30 milyan ginni, sida laga soo xigtay Quotidiano Nazionale.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*