Home Suuqa kala iibsiga Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Arbaco Ah...

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Arbaco Ah 13-ka September

0

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Barcelona ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo 23-jirka reer Norway ee Manchester City Erling Haaland sanadka 2025, markaasoo lagu heli karo 150 milyan ginni. (90min)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City iyo Portugal Bernardo Silva, oo 29 jir ah, ayaa ka wada xaajooday 50 milyan ginni oo lagu burburin karo qandaraaskiisa cusub. Waxa uu ka fiirsanayaa in uu ku biiro Barcelona xagaaga dambe. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Tababarihii hore ee Bayern Munich Julian Nagelsmann ayaa weli qandaraas kula jira kooxda, laakiin ma waydiin doonaan wax lacag ah haddii xiriirka kubada cagta Jarmalka uu doonayo inuu noqdo tababaraha xulka qaranka. (Sky Sports Germany)

Tababaraha kooxda West Ham David Moyes ayaan meesha ka saarin in uu la soo wareegayo 30 jirka khadka dhexe ee xulka qaranka England ee Jesse Lingard kaas oo xor ah isla markaana tababar la qaadanaya kooxda. (Talksport)

Daafaca 24-jirka ah ee Chelsea Trevoh Chalobah ma filayo inuu ciyaaro door muuqda marka uu ka soo laabto dhaawac muruqa ah bishaan. (Standard)

Juventus ayaa joojin karta heshiiska 30 jirka khadka dhexe ee reer France ee Paul Pogba hadii lagu ganaaxo isticmaalka daroogada. (Gazzetta dello Sport – in Italian)

Horyaalka Premier League ayaa wajahaya cadaadis uga imaanaya dad sarsare oo ka tirsan dowladda UK oo ku aaddan suurtagalnimada in Everton ay la wareegto shirkadda maalgashiga Mareykanka ee 777 Partners. (Telegraph)

Burnley iyo Crystal Palace ayaa isha ku haya 19 jirka weerarka uga ciyaara Colchester ee Bradley Ihionvien. (Sun)

Xidhiidhka kubbada cagta Ingiriiska ayaa iska caabin doona isku day kasta oo ay Jamhuuriyada Ireland ku doonayso in ay u magacawdo tababaraha xulka qaranka England ee 21 jirada Lee Carsley hadiiba shaqada laga caydhiyo Stephen Kenny. (Indepedent)

Paris St-Germain ayaa diyaarisay liis shan ciyaartoy oo Real Madrid ah oo ay bartilmaameedsan doonto si ay uga jawaabto baacsiga ay kooxda reer Spain ku doonayso 24 jirka weerarka uga ciyaara xulka qaranka France ee Kylian Mbappe(Sport – in Spanish)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Norway Martin Odegaard, oo 24 jir ah, ayaa sheegay inuusan wax badan ka dhihin inta lagu guda jiro wadahadalada qandaraas kordhinta ee Arsenal , laakiin wuxuu sheegay inuu “aad u faraxsan yahay”. (Nettavisen via Standard)

Kooxo dhowr ah oo Turki ah ayaa isku diyaarinaya dalabyo amaah ah oo ay ku doonayaan daafaca reer France ee Chelsea Malang Sarr, oo 24 jir ah, ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Jimcaha. (Football Insider)

Adana Demirspor iyo Istanbul Basaksehir ayaa dalab amaah ah u gudbiyay 25 jirka kooxda Nottingham Forest ee Nigeria Emmanuel Dennis, kaasoo meesha ka saaray inuu ku biirayo CSKA Moscow . (Fabrizio Romano)

Kooxda Lyon ayaa ka fikiraysa in ay u magacawdo tababarihii hore ee kooxaha Chelsea iyo Everton Frank Lampard ka dib markii ay shaqada ka cayriyeen Laurent Blanc. (90min)

Fenerbahce ayaa liiska bartilmaameedyada ku dartay ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Everton Andre Gomes, oo 30 jir ah. (Sozcu – Turki)

Previous articleJadon Sancho oo tirtiray qoraalkii uu ku weeraray tababare Erik ten Hag ee uu ku tilmaamay inuu beenaale yahay
Next articleTababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool oo gaaray go’aankii laga sugayay ee la xidhiidhay xulka qaranka Germany o

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here