Home Warka Xiisaha Leh Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Arbaco Ah...

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Arbaco Ah 17-ka May

0
Ad

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Lataliyaha kubbada cagta Paris St-Germain Luis Campos ayaa la kulmay 29 jirka weerarka uga ciyaara Tottenham Harry Kane wakiiladiisa suurtagalnimada saxiixa kabtanka England. (Foot Mercato – in French)

Ad

Real Madrid ayaa doonaysa in ay la soo wareegto 24 jirka weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Kylian Mbappe, 22 jirka daafaca uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Canada Alphonso Davies iyo 19 jirka khadka dhexe uga ciyaara Borussia Dortmund ee Jude Bellingham xagaagan. (Sky Sports)

Feyenoord ayaa qarka u saaran inay qandaraas cusub u soo bandhigto tababare Arne Slot, oo 44 jir ah, si ay isaga ilaaliso xiisaha Tottenha (Mail)

Barcelona ayaa dooneysa inay dib ula soo saxiixato weeraryahanka reer Argentina Lionel Messi, oo 35 jir ah iyo weeraryahanka Brazil Neymar, oo 31 jir ah, kana tirsan PSG. (Football Transfers)

Arsenal iyo Barcelona ayaa xiiseynaya 32 jirka khadka dhexe ee Jarmalka Ilkay Gundogan, kaasoo doonaya inuu heshiis hal sano ka badan sii joogo Manchester City. (Sport Bild – in Germen)

Bayern Munich ayaa u furan inay iska iibiso weeraryahanka reer Senegal Sadio Mane, oo 31 jir ah xagaaga, uma badna inay 28 sanno jirka daafaca uga ciyaara Portugal Joao Cancelo heshiis amaah ah uga dhigto 60 milyan ginni.(Times – subscription)

Bayer Leverkusen ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta Arsenal oo ku aadan saxiixa 30 jirka qadka dhexe ee Switzerland Granit Xhaka kaasoo ay ku soo iibsaneyso 13 milyan ginni. (Standard)

Tottenham ayaa ku fikiraysa goolhayaha reer Spain ee Brentford David Raya, oo 27 jir ah, inay ka dhigto bedelka 36 jirka kabtankii hore ee France Hugo Lloris, kaasoo qarka u saaran inuu baxo dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Fabrizio Romano)

Weeraryahanka kooxda Roma ee England Tammy Abraham, 25, ayaa sheegay in daafaca Chelsea iyo England Reece James, 23, uu u sheegay inuu ku laabto Stamford Bridge. Manchester United iyo Newcastle United ayaa sidoo kale xiiseynaya Abraham. (Tuttomercatoweb Via Standard)

Brighton ayaa la filayaa inay la soo wareegto 27-jirka khadka dhexe ee kooxda Borussia Dortmund ee Mahmoud Dahoud, kaasoo qandaraaskiisu dhici doono xagaaga. (Football Insider)

Leeds United waa inay ka fogaato inay u laabato heerka labaad si ay fursad ugu hesho inay dib ugu soo celiso Liverpool ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee England James Milner, oo 37 jir ah, inkastoo Brighton ay weli ugu cadcad tahay saxiixiisa marka uu qandaraaskiisu dhaco xagaagan. (Mail)

Liiska musharaxiinta Tottenham ee doorkooda agaasimaha ciyaaraha waxaa ka mid ah Tim Steidten, kaasoo door la mid ah ka soo qabtay Bayer Leverkusen, iyadoo Brentford’s Lee Dykes iyo Roma Tiago Pinto ay sidoo kale tixgelinayaan. (Standard)

Tababaraha kooxda Burnley Vincent Kompany ayaa isha ku haya 23 jirka khadka dhexe ee Arsenal iyo Belgium Sambi Lokonga kaas oo amaah kula jooga Crystal Palace. (Sun)

Chelsea ayaa xiiseyneysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Lyon ee USA Catarina Macario, 23, iyo 27 jirka daafaca uga ciyaara PSG Ashley Lawrence, iyadoo weeraryahanka Denmark Pernille Harder, 30, iyo daafaca Sweden Magdalena Eriksson, 29, ay ku biirayaan Bayern Munich xagaaga (Standard)

 

Previous articleXog Culus Oo Kasoo Korodhay Iibka Man United & Faahfaahinta Dalabka Cusub Ee Sheikh Jassim
Next articleWAR DEG-DEG AH: Arsenal Oo U Dhaqaaqday Saxeex Weyn Oo Lama Filaan Ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here