Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Tababare Carlo Ancelotti ayaa u sheegay maamulka kooxda Real Madrid inuu doonayo saxiixa weeraryahanka Tottenham iyo xulka England Harry Kane oo 29 jir ah (The Athletic).
Tottenham ayaa la soo saxiixan doonta weeraryahanka Celtic Kyogo Furuhashi, haddii Ange Postecoglu uu ka tago doorkiisa maamulaha Bhoys si uu u noqdo tababaraha cusub ee Spurs, Kanena uu ka tago kooxda. (Sun)
Australian Postecoglou ayaa si adag uga hadlay mustaqbalkiisa Celtic inkastoo lala xiriirinayo Tottenham . (Evening Standard)
Saudi Arabia Al-Hilal ayaa rajeynaya inuu ku dhawaaqo saxiixa weeraryahanka Paris St-Germain iyo Argentina Lionel Messi, oo 35 jir ah, 6da Juun. (Sports)
Chelsea ayaa kalsooni ku qabta inay dhameystirto heshiiska 22 jirka reer Uruguay ee Manuel Ugarte oo ka tirsan Sporting Lisbon. (Fabrizio Romano)
Kooxda Paris St-Germain ayaa ka fikiraysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa daafaca reer Brazil iyo kooxda Arsenal ee Gabriel Magalhaes oo 25 jir ah (Goal).
Liverpool ayaa isha ku haysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa daafaca midig ee kooxda Fulham iyo xulka Netherlands Kenny Tete oo 27 jir ah (Sun).
Reds ayaa sidoo kale wadahadal kula jirta khadka dhexe ee Nice Khephren Thurham halka ay sidoo kale sii wadayaan xiisaha ay u qabaan Feyenoord’s Orkun Kokcu. (Football Transfers)
Laacibka khadka dhexe ee Brighton iyo xulka Argentina Alexis Mac Allister, oo 24 jir ah, ayaa qarka u saaran inuu dhameystiro tafaasiisha ugu dambeysa ee ku biirista Liverpool. (Fabrizio Romano)
Goolhayaha Tottenham iyo France Hugo Lloris, oo 36 jir ah, ayaa sheegay inay tahay “dhamaadka waagii” wuxuuna rajeynayaa inaan helo “mashruuc aan ku horumariyo” iyadoo lala xiriirinayo inuu ka tagayo kooxda. (Nice Matin – via Evening Standard)
Leeds United ayaa u soo xushay tababaraha Blackburn Rovers Jon Dahl Tomasson si ay u helaan tababarahooda xiga. (Football Insider)
Leicester City ayaa ka fikiraysa in ay u magacawdo tababarihii hore ee Rangers iyo Aston Villa Steven Gerrard macalinkooda cusub kadib markii ay ka hareen horyaalka Premier League. (Sun)
Tababaraha Chelsea Mauricio Pochettino ayaa ka hor istaagi doona qaab kasta oo ay Real Madrid ku doonayso weeraryahankeeda Jarmalka Kai Havertz, 23. (AS – via Metro).
Fursada lagu ciyaaro Champions League ayaa fure u ah go’aankii ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea iyo England Mason Mount uu ugu biiray Manchester United oo uu kaga biiray Liverpool . (Football Insider)
Daafaca Ajax iyo Manchester United ee Jurrien Timber, oo 21 jir ah, ayaa la arkay isagoo ka qeyb galaya finalka FA Cup-ka ee Red Devils ay guuldarada kala kulantay Manchester City. (Talksport)
Aston Villa ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Sporting Lisbon si ay ugu dhaqaaqdo 24 jirka khadka dhexe ee Portugal Pedro Gonçalves. (A Bola – via Sport Witness)
Newcastle ayaa ku dhow inay la wareegto garabka Gambia iyo OB Odense Yankuba Minteh. (Sun)
Brighton ayaa dhamaystiri doonta saxiixa khadka dhexe ee kooxda Borussia Dortmund iyo xulka Germany Mahmoud Dahoud oo 27 jir ah todobaadka soo socda. (Fabrizio Romano)
Chelsea ayaa diyaar u ah inay u soo bandhigto gool haye Edouard Mendy oo 31 jir ah iyo lacag kaash ah 24 jirka Inter Milan iyo Cameroon Andre Onana(Footmercato, via Evening Standard)