Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Axad Ah 12 june

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha oo Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Manchester United ayaa gali doonta tartanka saxeexa weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski haddii riyadiisa ah inuu Barcelona ku biiraa rumoobi waydo. (Sun)

Chelsea ayaa sidoo kale isku diyaarinaysa inay gasho tartanka Robert Lewandowski balse ma awoodi doonaan ilaa ay diraan weeraryahankooda haatan ee Romelu Lukaku. (Star)

Liverpool ayaa Benfica kala heshiisay saxeexa weeraryahanka ree Uruguay ee Darwin Nunez isla markaana diyaarinaysa waraaqaha lagu saxeexayo heshiiskaas 85-ka Milyan ee pound ku qabsoomaya. (Guardian)

Sadio Mane ayaa kusii dhawaanaya heshiis uu Liverpool kaga tagayo oo ugu biirayo Bayern Munich. (Telegraph)

Tottenham ayaa wadahadalo meel fiican maraya kula jira Everton iyaga oo 51 Milyan kaga doonaya weeraryaan Richarlison. (UOL Esport – in Portuguese)

Chelsea ayaa war wanaagsan heshay kaddib markii loo sheegay in Ousmane Dembele uusan wali heshiis kordhin u samayn Barcelona. (Sun)

Christopher Nkunku ayaa joogaya RB Leipzig oo heshiis cusub saxeexaya walow lala xidhiidhinayay Man United iyo Chelsea. (Leipziger Volkszeitung – in German)

Arsenal ayaa kamida kooxo dhawr ah oo indho-indhaynaya xaalada Marco Asensio oo mustaqbalkiisa Real Madrid toddobaadka dambe la xalinayo. (Mirror)

Paul Pogba ayaa heshiis afar sano ah oo 68 Milyan oo pound guud ahaan noqonaya ugu laabayana Juventus kaddib marka uu dhaco heshiiskiisa Manchester United. (Gazzetta dello Sport – in Italian)

Arsenal ayaa Fulham kula jirta wadahadalo lama filaan ah oo ay kaga iibinayso goolhaye Bernd Leno. (Sun)

Fulham ayaa sidoo kale ku rajo weyn heshiisyo ay Liverpool kaga helayso Neco Williams iyo Takumi Minamino. (90min)

Granit Xhaka ayaa bartilmaameed u ah Bayer Leverkusen xilli Arsenal kor u qaadayso doonisteeda khadka dhexe ee Youri Tielemans oo ka tirsan Leicester. (Mirror)

Liverpool ayaa ka fikiraysa suurogalnimada uu Nat Phillips markale Bournemouth amaah ugu laaban karo xagaaga dambe. (Mirror)

Luis Suarez ayaan wali go’aan ka gaadhin mustaqbalkiisa balse Aston Villa ayaa wali ku jirta tartanka saxeexiisa. (Mundo Deportivo)

Juventus ayaa meel fiican marinaysa wadahadalada ay rasmi kaga dhigayso heshiiska Alvaro Morata oo Atletico Madrid amaah ugala joogay. (TuttoSport – in Italian)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*