Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta oo Axad Ah 22 May

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Barcelona tababaraheeda Xavi ayaa xaqiijiyay in kooxdiisu ay wadahadalo kula jirto weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski. (Goal)

Paris St-Germain ayaa diyaarinaysa dalab ay Paul Pogba ku doonayso balse Juventus ayaa kalsooni ku qabta in 29 sano jirkaasi heshiis mushahar ahaan 10 Milyan oo pound sanadkii ah ugu soo biiri doono. (Mail)

Arsenal ayaa dalab 76 Milyan oo pound ah ka gudbisay weeraryahan Osimahen balse waxa soo diiday kooxdiisa Napoli. (Calciomercato – in Italian)

Newcastle, West Ham iyo Southampton ayaa xiisaynaya weeraryahanka Chelsea ee Armando Broja, 20 sano jirkaas ayaa sidoo kale xiiso ka helaya kooxaha Talyaaniga ah ee AC Milan, Inter Milan iyo Napoli. (Goal)

Everton ayaa qorshaynaysa inay Chelsea amaah kaga soo qaadato da’yarka daafaca dhexe ee Levi Colwill oo haatan amaah ugu maqan Huddersfield. (Sun)

Tottenham ayay indho-indheeyayaal u daawanayaan xiddiga kooxda Eintracht Frankfurt ee Filip Kostic oo lagu qiimeeyo £25m. (Express)

Kylian Mbappe ayaa madaxweynaha PSG ee Florentino Perez fariin qoraal ah ugu sheegay go’aanka uu kusii joogayo PSG. (Express)

Real Madrid ayaa saxeexa khadka dhexe ee AS Monaco ee Aurelien Tchouameni ka dhigan doonta bartilmaameedka koowaad kaddib waayitaanka Mbappe. (Marca)

Liverpool ayaa heshiis cusub u bandhigi doonta Sadio Mane balse aan qorshaynayn inay mushahar kordhin weyn u samayso 3- sano jirkaas oo hal sano ka hadhay heshiiskiisa. (Football Insider)

Chelsea tababaraheeda Tuchel ayaa isku dayi doona inuu dhibka weerarka ee kooxdiisa xaliyo isaga oo weeraryahano cusub lasoo saxeexanaya. (Guardian)

Manchester United ayaa isha ku haysa inay xagaagan meesha ka saarto 80 Milyan oo pound oo lacagaha ay mushaharka u bixiso ah.(Star)

Fulham oo dhawaan Premier League usoo dalacday ayaa doonaysa inay wadahadalo ay ugu qancinayso inuu Premier League sii joogo la yeelato Nemanja Matic oo Man United ka tagaya. (Sun)

Fulham ayaa sidoo kale ku dhaw saxeexa goolhaye Thomas Strakosha oo kaga imanaya Lazio. (Gianluca di Marzio)

West Ham ayaa xoojinaysa doonisteeda saxeexa weeraryahan Dennis oo ka tirsan kooxda Premier League ka dhaadhacday ee Watford. (Football Insider)

Tottenham ayaa doonaysa inay goolhayaha Southampton ee Fraser Forster lasoo saxeexato marka uu heshiiskiisu dhaco xagaaga si uu kaabis ugu noqdo Hugo Lloris. (Athletic – subscription required)

Newcastle United ayaa lala xidhiidhinayay weeraryahanka Reims ee Hugo Ekitike balse 19 sano jirkaas ayaa sheegay inaysan sax ahayn inuu kooxdiisa ka tago badhtamaha xilli ciyaareedka. (L’Equipe, via Teamtalk)

Inter Milan ayaa doonaysa inay heshiis cusub ka saxeexato Ivan Perisic oo xiiso ka helaya Tottenham, Chelsea iyo Juventus. (Mail)

Giorgio Chiellini  ayaa wadahadalo kula jira kooxda Los Angels FC oo heshiis bilaash ah ku doonaysa xagaaga. (Goal)

West Ham ayaa doonaysa weeraryahan Keane Lewis-Potter oo ka tirsan kooxda Hull City. (Star)

Real Madrid tababaraheeda Carlo Ancelotti ayaa xaqiijiyay in Isco kooxda ka tagi doono marka heshiiskiisu dhaco xagaaga. (Mail)

Barcelona ayaa kooxdeeda ka diraysa dhammaan xiddigaha kala ah Riqui Puip, Oscar Mingueza, Samuel Umtiti iyo Martin Braithwaite. (Fabrizio Romano, Twitter)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*