Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta oo Axad Ah 8 May

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Nemanja Matic oo kasii socda Man United ayaa Juventus ku biiri kara xagaaga. (Daily Star Sunday)

Arsenal ayaa ku dhaw inay heshiis 40 Milyan oo pound ah kusoo qaadato khadka dhexe ee Leicester ee Youri Tielemans balse Real Madrid ayaa u dhaqaaqi doonta haddii ay usoo bixi waayaan Champions League. (Sun on Sunday)

Cristiano Ronaldo ayaa kulamo xidhiidh ah oo uu la qaatay arrimaha mustaqbalkiisa kala hadlay tababarihiisii hore ee Man United ee Sir Alex Ferguson. (Sunday Mirror)

Tottenham Hotspur ayaa la saxeexanaysa goolhayaha West Brom bilaashka kaga tagaya ee Sam Johnstone kaddib markii ay Man United go’aansatay inaysan u dhaqaaqin. (Sunday Mirror)

Tottenham ayaa dhiirigelin ka heshay saxeexa daafaca Villarreal ee Pau Torres oo lagu heli karo in 10 Milyan oo euro ka yar 55-ka Milyan ee euro ee heshiiskiisa lagu jabin karayay. (Football Insider)

Manchester United khadkeeda dhexe ee Paul Pogba ayaa wadahadalo uu ugu laabanayo magaalada Turin la yeeshay Juventus. (Football Transfers)

Brentford tababaraheeda Thomas Frank ayaa sheegay inuu doonayo in mustaqbalka fog ee Christian Eriksen la go’aamiyo kahor dhammaadka xilli ciyaareedka. (Mail on Sunday)

West Ham ayaa hoggaaminaysa saxeexa weeraryahanka Blackburn ee Ben Brereton Diaz. (Sun on Sunday)

Ralf Rangnick  ayaa rajaynaya in Man United lagu soo xoojiyo lix ilaa siddeed saxeex oo cusub. (Sunday Mirror)

Leicester ayaa Chelsea kula dagaalami doonta saxeexa daafaca 40-ka Milyan ee pound lagu qiimeeyo ee Torino ee Gleison Bremer. (Sun on Sunday)

Ajax ayuu ka tagi doonaa daafaca bidix ee Nicolas Tagliafico walow heshiiskiisa hal sano oo kale ka hadhay. (Fabrizio Romano on Twitter)

Leeds United khadkeeda dhexe ee Kalvin Phillips ayaa sheegay inuu diirada saarayo inuu xilli ciyaareedkan si fiican kula dhammaysto kooxdiisa walow lala xidhiidhinayay Aston Villa iyo Man United. (Manchester Evening News)

Allan Saint-Maximin ayaa sheegay inuusan filayn inuu Newcastle ka tagi doono suuqa xagaaga. (Goal)

Paris St-Germain khadkeeda dhexe ee Paredes ayaa sheegay inuu ku riyoodo u ciyaarista Real Madrid. (TyC Sports on Twitter)

Liverpool ayaa isku dayi doonta inay xagaaga heshiis cusub u bandhigto Joe Gomez walow shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda. (Liverpool Echo)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*