Home Suuqa kala iibsiga Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Isniin Ah...

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Isniin Ah 15-ka May

0
Ad

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Manchester United ayaa dib ugu soo laabatay baacsiga ciyaaryahanka khadka dhexe ee Adrien Rabiot iyadoo 28 jirka reer France uu ku dhow yahay dhamaadka qandaraaskiisa Juventus . (L’Equipe – in French)

Ad

Real Madrid ayaa weli xiiseyneysa inay lasoo saxiixato weeraryahanka reer France Kylian Mbappe oo ka tirsan Paris St-Germain laakiin ma bixin doonto lacag ay ku iibsaneyso 24 jirkaan. (Marca- in Spanish)

Mauricio Pochettino ayaa qarka u saaran inuu saxiixo heshiis seddex sano ah si uu u noqdo tababaraha cusub ee Chelsea . (Telegraph)

Imaanshiyaha Pochettino ee Stamford Bridge ayaa soo daahay si uu u badbaadiyo wada xaajoodyada qandaraaska ee uu kula jiro khadka dhexe ee England Mason Mount, 24. (Sun).

Tababaraha Brighton Roberto de Zerbi ayaa rajaynaya xiddiga khadka dhexe ee Ecuador Moises Caicedo, 21, iyo khadka dhexe ee Argentina Alexis Mac Allister, 24, inay ka tagaan kooxda xagaagan. (Metro)

Weeraryahanka reer Holland Wout Weghorst ayaa wadahadalo la yeelan doona maamulaha Burnley Vincent Kompany marka uu dhamaado amaahda uu ku joogo Manchester United. (Sun)

Crystal Palace ayaa xiiseyneysa inay lasoo saxiixato weeraryahanka reer France ee Lyon Moussa Dembele, oo 26 jir ah xagaagan. (Football Insider)

Manchester United ayaa kulabiirtay Arsenal tartanka loogu jiro saxiixa 23 jirka daafaca uga ciyaara kooxda RB Leipzig ee Mohamed Simakan.(Fichajes – in Spanish)

AC Milan ayaa weli dooneysa inay kooxda Real Madrid ku sii heyso xilli ciyaareedka soo socda ciyaaryahanka amaahda kaga maqan ee reer Spain Brahim Diaz, oo 23 jir ah. (Calciomercato)

Xaaska Thiago Silva Belle ayaa xaqiijisay in 38-jirka reer Brazil uu doonayo inuu sii joogo Chelsea xilli ciyaareedka soo socda. (Evening Standard)

Paris St-Germain ayaa qarka u saaran inay heshiis amaah ah kula wareegto weeraryahanka reer France Hugo Ekitike, oo 20 jir ah, laakiin Eintracht Frankfurt ayaa weli xiiseyneysa ciyaaryahanka. (L’Equipe – in French)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Spain Gavi, oo 18 jir ah, ayaa beeniyay inuu u dhaqaaqayo Premier League, wuxuuna sheegay in Barcelona ay tahay “kooxda riyadiisa”. (Barca TV Fabrizio Romano)

Real Madrid ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato 24 sanno jirka weerarka uga ciyaara Napoli iyo xulka Nigeria Victor Osimhen. (Fichajes – in Spanish)

Previous articleHORDHAC: Leicester v Liverpool –ee Horyaalka Premier League,Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka ah
Next articleThomas Muller oo kala doortay kooxaha Real Madrid iyo Manchester City kahor kulankooda lugta labaad ee afar dhammaadka Champions League ee Arbacada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here