Home Warka Xiisaha Leh Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Isniin Ah...

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Isniin Ah 22-ka May

0
Ad

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Chelsea ayaa Juventus u gudbisay dalab dhan 80m euro (£70m) oo ay ka doonayso 23 jirka weerarka uga ciyaara Serbia ee Dusan Vlahovic. (ESPN)

Ad

Manchester United ayaa sidoo kale diyaarineysa dalab rasmi ah oo ay ku dooneyso Vlahovic, kaasoo si cad u sheegay inuu doonayo inuu ciyaaro kubada Champions League xilli ciyaareedka soo socda. (Football Transfers)

Leicester City ayaa qorsheyneysa inay la xiriirto tababarihii hore ee Brighton iyo Chelsea Graham Potter si uu u noqdo tababarahooda xiga ee joogtada ah. (Football Insider )

Tababaraha Roma Jose Mourinho ayaa doonaya inuu lasoo saxiixdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Belgium Youri Tielemans marka 26 jirkaan qandaraaskiisa Leicester uu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Gazzetta dello Sport – in Italian)

Barcelona ayaa heshiis la gaartay wakiilka Jorge Mendes ciyaaryahanka khadka dhexe ee Wolves Ruben Neves, oo 26 jir ah, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal ay u badan tahay inuu u dhaqaaqo Nou Camp si uu qeyb uga noqdo heshiiska ay isku dhaafsanayaan 20 jirka reer Spain Ansu Fati. (Sport – in Spanish)

Aston Villa ayaa miisaamaysa inay amaah ugu dhaqaaqdo weeraryahanka Manchester United iyo France Anthony Martial, oo 27 jir ah, xilli ciyaareedka soo socda. (Football Transfers)

Weeraryahanka Tottenham Harry Kane mustaqbalkiisa kooxda ayaan la hubin, 29-sano jirkaan kabtanka u ah England ayaa sheegay inay jiraan “wax badan oo u baahan inay isbedel ku sameeyaan” Spurs si “ay u bilaabaan guulo kale”. (Times – subscription required)

Brighton iyo Manchester United ayaa qarka u saaran inay ku tartamaan saxiixa 23 jirka khadka dhexe ee Italy Davide Fratesi oo ka tirsan Sassuolo. (Football Insider)

Crystal Palace ayaa isha ku haysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bournemouth iyo Colombia Jefferson Lerma, iyadoo 28 jirkaan uu qandaraaskiisa Cherries dhici doono xagaagan. (Sun)

Nottingham Forest ayaa heshiis joogto ah kula soo wareegeysa goolhayaha Manchester United iyo England Dean Henderson, oo 26 jir ah.(Telegraph – subscription required)

Aston Villa iyo Wolves ayaa ku tartamaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee reer France Habib Diarra oo ka socda Strasbourg, kaasoo 19-sano jirkaan ku qiimeeya 20 milyan ginni. (Sun)

Manchester United ayaa wadahadalo kula jirta 21 jirka garabka uga ciyaara Uruguay ee Facundo Pellistri qandaraas ilaa June 2028. (Fabrizio Romano).

Manchester City ayaa dooneysa inay iska iibiso goolhaye Zack Steffen, oo 28 jir ah, xagaagan marka uu dhamaado heshiiska amaahda ah ee Mareykanka uu ku joogo Middlesbrough .(Sun)

Maamulaha guud ee Feyenoord Dennis te Kloese ayaa sheegay in uu diiday qaabkii uu ugu biiri lahaa Tottenham uuna filayo in tababaraha kooxda Holland Arne Slot uu sidoo kale iska caabiyo xiisaha Spurs. (ESPN)

Tababaraha kooxda Napoli Luciano Spalletti ayaa sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda isaga oo ku hogaamiyay Scudetto markii ugu horaysay muddo 33 sano ah. (Football Italia)

Maamulaha Juventus Massimiliano Allegri ayaa sheegay in uu doonayo in uu sii joogo doorkiisa laakiin waxa uu intaa ku daray “ma ahan aniga in aan go’aan ka gaaro”. (Football Italia)

Previous articlePochettino Oo U Sheegay Chelsea Magaca Gool Dhaliyaha Uu Doonayo
Next articleVinicius Jr Oo Go’aan Ka Gaadhay Haddii Uu Ka Tagayo Horyaalka Lagu Cunsuriyeeyay Ee La Liga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here