Home Warka Xiisaha Leh Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Isniin ...

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Isniin Ah 27-ka February

0
Ad

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Xiddiga garabka uga ciyaara xulka qaranka Masar ee Mohamed Salah ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Liverpool xagaaga hadii ay kooxdu ku fashilanto in ay u soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe. (Fijaches – in Spanish)

Ad

Paris St-Germain ayaa tartan kala kulmeysa Liverpool saxiixa weeraryahanka AC Milan iyo Portugal Rafael Leao, iyadoo kooxda Merseyside ay diyaar u tahay inay ku darto garabka Colombia Luis Diaz, oo 26 jir ah, oo ay heshiis is dhaafsi ah kula soo wareegayaan 23 jirkaan. (Calciomercato – in Italian)

Weeraryahanka Inter Milan iyo xulka Argentina Lautaro Martinez, oo 25 jir ah, waxaa dabada ka riixaya Arsenal, Chelsea iyo Manchester United (Teamtalk). Arsenal ayaa wadahadalo kula jirta ciyaaryahanka khadka dhexe ee Switzerland Granit Xhaka, oo 30 jir ah, kaasoo ku saabsan heshiis kordhin cusub oo labo sano ah. (Caughtoffside)

Manchester United ayaa isha ku heysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Celta Vigo Gabri Veiga, 20, kaasoo ku kacaya 26 milyan ginni. (AS – in Spanish) Barcelona ayaa la filayaa inay xagaagan “dhamaan” ka baxdo baacsiga Ilkay Gundogan, iyadoo 32 jirkaan qandaraaskiisa Manchester City uu dhacayo. (Football Insider)

Arsenal, Newcastle iyo West Ham ayaa dhamaantood dalabyo ku dhow 40m euros (£35.3m) u gudbiyay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lazio iyo Serbia Sergej Milinkovic-Savic, 27. (Calciomercato -i  Italian)

Newcastle ayaa qorsheyneysa inay xagaaga u dhaqaaqdo daafaca Arsenal iyo Scotland Kieran Tierney, 25. (Mirror).

Goolhayaha Brentford iyo Spain David Raya ayaa sheegay in uu doonayo in uu u dagaalamo sidii uu horyaalka ugu guulaysan lahaa xilli ay xiiso ka helayaan kooxo badan oo Premier League ah oo ay ku jirto Tottenham.  (Athletic – subscription required)

Paris St-Germain ayaa diyaar u ah inay u ogolaato qaar ka mid ah xiddigaheeda inay kooxda ka tagaan xagaagan iyagoo doonaya inay dhimaan biilka mushaharkooda 30%.(Times – subscription required) 

Sheikh Jassim bin Hamad Al Thani iyo Jim Ratcliffe’s Ineos Group ayaa u baahnaan doona inay kor u qaadaan dalabyadooda ugu horreeya si ay qoyska Glazer ugu qanciyaan inay iibiyaan Manchester United.(Telegraph – subscription required)

Milkiilaha cusub ee Manchester United Ratcliffe ayaa lumiyay fursad uu kula kulmi lahaa Avram Glazer ka dib markii uu doortay inuu daawado kooxdiisa Nice oo wajahaysa Monaco halkii uu ka qeyb gali lahaa finalka Carabao Cup. (Mirror)

Daafaca West Ham Angelo Ogbonna, 34, ayaa xaqiijiyay inuu doonayo inuu kooxda sii joogo wax ka badan dhamaadka qandaraaskiisa xagaagan. (Evening Standard)

Inter Miami – kooxda Major League Soccer oo ay wada leeyihiin David Beckham oo uu maamulo Phil Neville – ayaa doonaya inay la soo wareegaan weeraryahanka Juventus iyo Argentina Angel di Maria si xor ah xagaagan. (Metro)

Nottingham Forest ayaa isha ku haysa daafaca Norwich iyo Republic of Ireland Andrew Omobamidele, 20. (Sun).

Everton iyo Bournemouth ayaa isha ku haya weeraryahanka Coventry City iyo Sweden Viktor Gyokeres, oo 24 jir ah (Football Insider).


Previous articleBruno Fernandes iyo Casemiro oo murman Xoogan Dhexmaray kaddib markii ay kooxdooda xalay ku hoggaamiyeen Carabao Cup.
Next articleGarsoorihii Labaad Oo Ka Tegay Horyaalka Premier League Kaddib Fadeexadaha VAR Ee Xilli Ciyaareedkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here