Home Warka Xiisaha Leh Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Isniin Ah...

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Isniin Ah 27-ka Maarso

0
Ad

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Manchester United ayaa xiiseyneysa saxiixa weeraryahanka Benfica iyo Portugal Goncalo Ramos, oo 21 jir ah, kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 120 milyan euros (£ 105.6m).  (Record, via Goal)

Ad

Weeraryahan Evan Ferguson, oo 18 jir ah, ayaa iska diidi doona inuu u dhaqaaqo Manchester United, sababtoo ah xiddiga Republic of Ireland wuxuu qabaa in joogitaanka Brighton ay u fiicnaan doonto horumarkiisa. (Sun)

Dhanka kale, Manchester United ayaa u tixgelin doonta goolhayaha Isbaanishka ee Brentford David Raya, oo 27 jir ah, beddelka goolhayaha ay isku dalka yihiin ee David de Gea, oo 32 jir ah, kaasoo aan weli heshiis cusub ka saxiixin. (Give me Sport )

Chelsea ayaa diyaar u ah inay bixiso 100 milyan ginni si ay u hesho bartilmaameedka ugu sarreeya, weeraryahanka Nigeria Victor Osimhen, 24, oo Napoli ah. (Football Insider)

Chelsea ayaa wadahadalo kula jirta ciyaaryahanka khadka dhexe ee France N’Golo Kante, oo 31 jir ah, kaasoo ku saabsan qandaraas cusub oo labo sano ah, iyadoo dookh u ah inuu sanad kale sii joogo Stamford Bridge. (Fabrizio Romano)

Blues ayaa ka niyad jabsan tababarihii hore ee Jarmalka Thomas Tuchel, kadib markii uu si guud u soo bandhigay rabitaankiisa ah inuu Bayern Munich u kaxeeyo tababaraha aadka loo qiimeeyo ee Ingariiska Anthony Barry.  (Telegraph – subscription required)

Arsenal ayaa mudnaanta siin doonta isku day kale oo ay ku doonayso inay kula soo saxiixato khadka dhexe ee Brighton iyo Ecuador Moises Caicedo, 21, xagaaga. (Football Transfers)

Aston Villa, Newcastle United iyo Brighton ayaa xiiseynaya saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Alex Oxlade-Chamberlain, oo 29 jir ah, kaasoo qandaraaskiisa Liverpool uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Mail)

Newcastle ayaa xiiseyneysa saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Southampton iyo xulka England James Ward-Prowse, oo 28 jir ah (Insider).

Daafaca South Korea Kim Min-jae ayaa lala xiriirinayay Manchester United laakiin 26 jirkaan ayaa sheegay inuusan xiiseyneynin wararka xanta ah ee ku saabsan mustaqbalkiisa, islamarkaana uu doonayo inuu diirada saaro u ciyaarista Napoli. (Mail)

Barcelona ayaa iska fogeysay inay la soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee Portugal iyo Wolves Ruben Neves, oo 26 jir ah xagaagan. (Fichajes -in Spanish)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Spain Sergio Busquets, oo 34 jir ah, ayaan weli heshiis cusub u saxiixin Barcelona, ​​waxaana laga yaabaa inuu u dhaqaaqo Major League Soccer. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Manchester City ayaa aaminsan in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Germany Ilkay Gundogan uusan dooneynin inuu sii joogo kooxda, iyadoo 32 jirkaan uu wadahadalo kula jira Barcelona si uu ugu biiro marka uu qandaraaskiisu dhaco xagaaga. (Sports)

Barcelona ma rabto weeraryahanka reer Spain Dani Olmo, oo 24 jir ah, inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo RB Leipzig si ay beeca xorta ah ugula saxiixdaan marka uu qandaraaskiisa haatan ku eg yahay 2024. (Mundo Deportivo – in Spanish).

Chelsea iyo Arsenal ayaa dagaal fool ka fool ah u gali doona saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Everton iyo Belgium Amadou Onana, oo 21 jir ah, ka dib markii uu waayihiisa ciyaareed ku bilowday Goodison Park. (Fichajes – in Spanish)

Madaxa FA-ga Brazil (CBF) ayaa ku andacooday in tababaraha reer Talyaani ee Real Madrid Carlo Ancelotti uu yahay ninka ugu haboon ee bedeli kara Tite oo ah tababaraha xulka qaranka. (Reuters)

Previous articleBarcelona Oo Bilaash ku Helaysa Saxiixa Muhiimka ah ee Alex Grimaldo
Next articleXiddiga ka tirsan kooxda kubadda cagta Manchester United oo kaamirooyinku qabteen isaga oo nuugaya maandooriye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here