Home Wararka Ciyaaraha Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Isniin Ah...

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Isniin Ah 30-ka January

0
Ad

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Chelsea ayaa dib ula furtay Benfica wadahadalo ku saabsan inay isku dayaan inay la soo wareegaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Argentina Enzo Fernandez, 22, ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Talaadada. (Telegraph – subscription required)

Ad

Fernandez ayaa doorbidaya inuu baxo Janaayo, waxaana uu rajeynayaa in madaxweynaha Benfica Rui Costa uu aqbali doono dalabka Blues. (Record – in Portuguese) 

Brighton ayaa diiday dalab labaad oo ah 65 milyan ginni iyo 5 milyan ginni oo dheeri ah oo ay Arsenal ka gudbisay 21 jirka qadka dhexe ee Ecuador Moises Caicedo. (Athletic – subscription required) 

Tottenham ayaa u gudbisay Bayer Leverkusen lacag dhan 25m euro (£22m) oo afka ah si ay ula soo wareegto daafaca dhexe ee Ecuador Piero Hincapie, 21. (Bild – in German).

Nottingham Forest ayaa qarka u saaran inay la soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Newcastle United Jonjo Shelvey, oo 30 jir ah.(Telegraph – subscription required)

Barcelona ayaa isha ku haysa 23 jirka Atletico Madrid iyo Portugal ee Joao Felix, kaas oo amaah kula jooga Chelsea . (Sport – in Spanish)

Inter Milan ayaa diyaarisay daafaca dhexe ee Manchester United iyo Sweden Victor Lindelof, oo 28 jir ah, si uu u noqdo badalka Milan Skriniar hadii 27 jirka daafaca uga ciyaara Slovakia u dhaqaaqo Paris St-Germain . (Fabrizio Romano)

Tottenham ayaa ka shaqaynaysa heshiis ay kula soo saxiixanayso 17 jirka reer England ee khadka dhexe uga ciyaara kooxda Birmingham City ee Jobe Bellingham, walaalka Borussia Dortmund iyo xulka qaranka England ee Jude Bellingham oo 19 jir ah (Insider Football).

Galatasaray ayaa hogaaminaysa baacsiga loogu jiro saxiixa 25 jirka daafaca uga ciyaara Liverpool ee Nat Phillips kaas oo lagu qiimeeyo 10 milyan ginni . (Athletic – subscription required)

Everton ayaa dooneysa inay soo qaadato weeraryahan iyo sidoo kale 27 jirka Udinese ee daafaca reer Brazil Rodrigo Becao. (Mail)

Dhanka kale Toffees ayaa diiday dalab uga yimid PSV Eindhoven oo ay ku doonaysay in ay heshiis joogto ah ka saxiixato 20 jirka daafaca dhexe uga ciyaara England Jarrad Branthwaite. (Mail)

Nottingham Forest ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta Paris St-Germain iyo goolhayaha Costa Rica Keylor Navas oo 36 jir ah (Insider)

Sporting Lisbon ayaa ku dhow inay heshiis amaah ah kula wareegto daafaca midig ee Barcelona iyo Spain Hector Bellerin, oo 27 jir ah, si uu u noqdo bedelka 23 jirka daafaca uga ciyaara Spain Pedro Porro, kaasoo ay Tottenham rajeyneyso inay la soo wareegto. (Athletic – subscription required)

Manchester City ayaa kula loolami doonta Barcelona saxiixa daafaca Girona iyo xulka Spain ee 21 jirada Arnau Martinez oo 19 jir ah (Mundo Deportivo – in Spanish).

Sevilla ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta xiddiga khadka dhexe ee reer Spain Bryan Gil, oo 21 jir ah, oo ay amaah ugala soo wareegayaan Tottenham ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Fabrizio Romano)

Newcastle United ayaa ogolaatay inay 3 milyan ginni ku iibiso West Ham iyo Scotland 21 jirka daafaca midig Harrison Ashby, oo 21 jir ah.(Times – subscription required)

Fulham ayaa wadahadalo la yeelatay Sheffield United oo ku aadan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Norway Sander Berge, iyadoo 24 jirkaan sidoo kale lala xiriirinayo Newcastle . (90min)

Cottagers ayaa sidoo kale wadahadalo horumar leh kula jirta saxiixa 26 jirka qadka dhexe ee Serbia Sasa Lukic oo ka yimid Torino. (Athletic – subscription required)

Brighton ayaa dhamaystirtay saxiixa khadka dhexe ee AIK iyo Sweden Yasin Ayari, oo 19 jir ah, waxayna kula soo wareegtay 6m euros (£5.2m). (Fabrizio Romano)

Aston Villa ayaa laga yaabaa inay raadiso heshiis amaah ah ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda sababtoo ah tababare Unai Emery ayaa doonaya inuu ugu yaraan kooxdiisa ku daro weeraryahan khibrad leh ka dib iibkii weeraryahanka Ingariiska Danny Ings, oo 30 jir ah, oo uu ka iibiyay West Ham.  (Express and Star)

Previous articleChelsea oo Markale Doonaysa da’yarka khadka dhexe ee Enzo Fernandez
Next articleWAR DEG-DEG: Heshiiskii Tottenham Ku Doonaysay Pedro Porro Oo Gabi ahaanba Bur-Buray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here