Home Warka Xiisaha Leh Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo jimce Ah...

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo jimce Ah 17-ka Maarso

0
Ad

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Manchester United ayaa diyaar u ah inay ku biirto tartanka loogu jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Jude Bellingham, oo 19 jir ah, kana tirsan Borussia Dortmund (Telegraph – subscription required)

Ad

Newcastle United ayaa doonaysa in ay mudnaanta siiso xiddiga khadka dhexe ee Leicester James Maddison xagaagan iyada oo 26 jirkan la sheegay in uu doonayo in uu ka ciyaaro champions League oo uu boos joogto ah ka noqdo xulka Englansld (The I)

Amaahda Dele Alli ee Besiktas ayaan noqon doonin mid joogto ah xagaaga, halka Everton ay u badan tahay inay baabi’iso qandaraaska 26 jirka khadka dhexe ee England. (Football Insider)

Thierry Henry ayaa diiday fursad uu ku noqon lahaa tababaraha kooxda haweenka France. (Le Figaro -in French)

Taa baddalkeeda, weeraryahankii hore ee Arsenal iyo France Henry ayaa aad u xiiseynaya booska tababaraha ragga ee Mareykanka ee banaan. (ESPN)

Qatar Sheikh Jassim bin Hamad Al Thani ayaa ka mid ah kooxaha doonaya Manchester United , waxaana uu dalab labaad u gudbin doonaa kooxda ka dhisan Old Trafford 10 maalmood gudahood ka dib markii wakiiladiisa ay booqdeen kooxda Khamiistii. (Sky Sports)

Weeraryahanka Napoli iyo Nigeria Victor Osimhen, oo 24 jir ah, oo lala xiriirinayo qaar ka mid ah kooxaha ugu sarreeya Yurub, ayaa sheegay inuu mustaqbalkiisa kala hadli doono wakiiladiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Sport1 – in Germeny)

Real Madrid ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo 29-jirka reer Belgium Romelu Lukaku, kaasoo qarka u saaran inuu ku laabto Chelsea dhamaadka xilli ciyaareedka amaahda ah ee uu ku joogo kooxda Talyaaniga ee Inter Milan. (Fichajes – in Spanish)

Manchester United , Newcastle , Brighton iyo Brentford ayaa dhamaantood xiiso u muujiyay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Spain iyo Celta Vigo Gabri Veiga iyadoo kooxaha kale ee Premier League ay sidoo kale hore u soo indha indheeyeen 20 jirkaan. (90min)

Arsenal ayaa sidoo kale isha ku heysa Veiga, Gunners ayaana ah meesha uu jecel yahay ciyaaryahanka. (Diario AS, via Fichajes – in Spanish)

Xiddiga garabka uga ciyaara Brighton Solly March, 28, ayaa qarka u saaran inuu qandaraas cusub u saxiixo xiddiga Ingariiska ah qandaraaskiisa haatan oo dhacaya xagaagan. (Athletic – subscription required)

Wolves ayaa qarka u saaran inay qandaraas cusub u soo bandhigto kabtanka iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Portugal Ruben Neves, oo 26 jir ah. (90min)

Bayer Leverkusen ayaa xiiseyneysa inay lasoo saxiixato West Ham iyo Czech Republic daafaca midig Vladimir Coufal, oo 30 jir ah (Football Insider).

Daaficii hore ee Tottenham iyo England Danny Rose, oo 32 jir ah, ayaa tababar la qaadanaya kooxda National League ee York City , isagoo koox la’aan ahaa tan iyo markii qandaraaskiisa Watford la wada joojiyay bishii Sebtembar. (Sun)

Previous articleHalyeeyga kooxda Arsenal iyo xulka France ee Theirry Henry Oo iska Diiday Shaqo Loosoo Bandhigay
Next article“Messi ayaanu ku fooryi doonaa Axadan” Taageerayaasha Mayalka Adag Ee PSG Oo Leo Usoo Dhigtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here