Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Jimce Ah 20-ka January

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Chelsea ayaa dalab 55 milyan ginni ah ka gudbisay 21 jirka qadka dhexe ee xulka Ecuador Moises Caicedo waxaa diiday Brighton. (Athletic – subscription required) 

Chelsea ayaa wax ka weydiisay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham iyo Mali Yves Bissouma, oo 26 jir ah, laakiin wax dhiirigelin ah kama helin Spurs heshiiska u diraya garabka Morocco Hakim Ziyech, 29, jiho ka soo horjeeda. (Telegraph – subscription required)

Newcastle United waxay haysataa liis sagaal ciyaartoy ah, oo ay ku jiraan weeraryahanka Everton iyo England Under-21 Anthony Gordon, 21, iyo saddex ciyaartoy Chelsea : Ziyech iyo khadka dhexe ee England Conor Gallagher, 22, iyo Ruben Loftus-Cheek, 26.(Telegraph – subscription required) 

Newcastle ayaa dalab 13.5 milyan ginni ah ka gudbisay 18 jirka weerarka uga ciyaara Flamengo Matheus Franca. (Mail)

Weeraryahanka Wolves Goncalo Guedes, 26, ayaa ku sugan dalkiisa Portugal ka hor inta uusan dhameystirin heshiiska amaahda ah ee Benfica . (Matteo Moretto – In Intalian)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Jude Bellingham, oo 19 jir ah, ayaa lagu wadaa inuu kulan suuqa kala iibsiga ah la yeesho Borussia Dortmund ka dib markii uu u tilmaamay Real Madrid inuu doorbidayo u dhaqaaqista Spain halkii uu u wareegi lahaa Premier League. (Mirror)

Dhanka kale Liverpool ayaa wali rajo ka qabta saxiixa Bellingham waxayna doonaysaa in ay u soo bandhigto fursad uu ku noqon karo Steven Gerrard ee cusub ee Anfield. (Florian Plettenburg, Sky Germany)

Tottenham ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato 23 jirka qadka dhexe ee Italy Nicolo Zaniolo, kaasoo Roma ay diyaar u tahay inay iibiso ama amaah ku bixiso iyadoo ay waajib ku tahay inay iibsato. (Sky Sports)

Milan Skriniar, oo 27 jir ah, ma saxiixi doono qandaraaska Inter Milan waqtigan, iyadoo daafaca Slovakia, oo qandaraaskiisu uu dhacayo xagaagan, uu tixgeliyo doorkiisa. (Sky Sports Italia)

Aston Villa ayaa wadahadalo kula jirta 26 jirka weerarka uga ciyaara France Moussa Dembele kaas oo qandaraaskiisa Lyon uu dhacayo xagaaga. (90 min)

Everton ayaa Rennes kala hadlaysa u dhaqaaqista 20 jirka reer Ghana Kamaldeen Sulemana. (Givemesport)

Wolves ayaa ogolaatay inay 3.3 milyan ginni kula soo wareegto 32 jirka daafaca uga ciyaara West Ham Craig Dawson.(Independent) 

Arsenal ayaa xiiso u qabta 23 jirka garabka uga ciyaara kooxda Bournemouth ee Jaidon Anthony xilli Mikel Arteta uu doonayo in uu kooxdiisa ku soo kordhiyo dookhyo kale oo ballaadhan. (Mail)

Gunners ayaa ku qasban in ay diwaan galiyaan saxiixa cusub ee Leandro Trossard ee Brighton 12:00 GMT jimcaha si 28 jirka reer Belguim uu xaq ugu yeesho in uu la ciyaaro Manchester United kulankooda soo socda ee Axada. (Mirror)

Chelsea ayaa diyaar u ah inay Tottenham kula tartanto goolhayaha Brentford iyo Spain David Raya, oo 27 jir ah, halka Spurs ay sidoo kale isha ku hayso inay la soo wareegto goolhayaha Slovenia Jan Oblak, oo 30 jir ah, kana tirsan Atletico Madrid. (Evening Standard) 

Crystal Palace ayaan qorsheyneynin inay lumiso labadaba khadka dhexe ee xulka France Michael Olise, oo 21 jir ah, iyo 30 jirka weerarka uga ciyaara Ivory Coast Wilfried Zaha xagaagan. (Mail)

Leicester ayaa bartilmaameedsanaysa daafaca dhexe ee Stoke City Harry Souttar waxayna 10 milyan ginni u soo bandhigtay 24 jirka reer Australia. (GianlucaDimarzio.com)

Newcastle ayaa Flamengo u soo bandhigtay 14 milyan ginni 18 jirka khadka dhexe ee weerarka Brazil Matheus Franca. (Fabrizio Romano)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*