Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Goolhayaha Tottenham iyo France Hugo Lloris, oo 36 jir ah, ayaa dalab ka helaya inuu ka ciyaaro Saudi Arabia xilli ciyaareedka soo socda, waxaana uu saddex jibaarayaa mushaharka uu hadda ka qaato Spurs. (Times – subscription required)
Arsenal ayaa qarka u saaran inay ku dhawaaqdo qandaraas kordhinta 21 jirka reer England ee Bukayo Saka, kaasoo qandaraaskiisa uu socon doono ilaa 2028. (Fabrizio Romano).
Newcastle ayaa dib u soo noolaysay xiisihii ay u qabtay 26 jirka reer England ee Leicester City James Maddison. (Telegraph – subscription required)
Liverpool ayaa xiiseyneysa inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid iyo France Aurelien Tchouameni, oo 23 jir ah, xitaa hadii ay markii hore la micno tahay heshiis amaah ah. (90min)
Tottenham ayaa doonaysa in ay hesho badalka agaasimihii hore ee maamulka Fabio Paratici ka hor inta ayna dhamaystirin qorshaha ay ku keensanayso tababare cusub. (Mirror)
Manchester City ayaa dareenkeeda u jeedisay 29 jirka reer Croatia ee khadka dhexe uga ciyaara kooxda Chelsea ee Mateo Kovacic si ay uga dhigto bedelka ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Jude Bellingham, oo 19 jir ah, kaasoo qarka u saaran inuu Real Madrid kaga soo biiro Borussia Dortmund . (Football Insider)
Liverpool ayaa qarka u saaran inay la soo saxiixato Hannover 96’s 34-sano jir ah ciyaaryahankii hore ee Jarmalka Ron-Robert Zieler si uu u noqdo goolhaye kayd ah. (Bild – in German)
Wolves ayaa xiiseyneysa saxiixa weeraryahanka Coventry City iyo Sweden Viktor Gyokeres, oo 24 jir ah. (Sky Sports).
Paris St-Germain ayaa qarka u saaran inay lumiso weeraryahanka reer France Kylian Mbappe iyadoo Real Madrid ay dib u soo ceshaneyso 24 jirkaan. (Telegraph – subscription required)
Napoli ayaa kordhisay qiimaha ay ku doonayso Victor Osimhen 160m euros oo u dhiganta (£139m) iyadoo la filayo inay dagaal ku dalbato 24 jirka weerarka uga ciyaara Nigeria. (Il Matino – in Italian)
23-jirka weerarka uga ciyaara kooxda AC Milan ee dalka Portugal Rafael Leao oo lala xiriirinayo kooxaha Liverpool iyo Chelsea ayaa heshiis cusub oo shan sano ah u saxiixay kooxda reer Talyaani. (Athletic – subscription required)
Liverpool ayaa diyaar u ah inay bixiso 60m euros (£52m) ee lagu burburin karo qandaraaska 22 jirka reer Uruguay ee khadka dhexe uga ciyaara Sporting Lisbon Manuel Ugarte. (Record – in Portuguese)
Manchester United ayaa isha ku haysa 25 jirka weerarka uga ciyaara Inter Milan ee Lautaro Martinez. (Football Insider)
Goolhayaha reer England Aaron Ramsdale, oo 24 jir ah, ayaa ku dhow inuu heshiis cusub oo waqti dheer ah u saxiixo Arsenal . (ESPN)
Sunderland ayaa qorsheyneysa inay Jack Clarke u soo bandhigto qandaraas cusub si ay isaga difaacdo xiisaha Crystal Palace iyo Brentford ee 22 jirka reer England. (Teamtalk)
26 jirka weerarka uga ciyaara Barcelona Raphinha, kaasoo lala xiriirinayay Newcastle , ayaa meesha ka saaray sheegashada ah inuu u furan yahay inuu ka tago Nou Camp xagaagan. (Chronicle Live)