Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Juventus ayaa diyaar u ah inay u soo bandhigto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United iyo France Paul Pogba 8 milyan ginni sanadkii – taasoo u dhiganta ku dhawaad 160,000 ginni isbuucii – oo ay la socoto xirmo gunno ah iyo lacago saxiix ah. Qandaraaska Pogba ayaa dhacaya xagaagan, Manchester City ayaana lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso 29 jirkaan. (Mirror)
Chelsea ayaa isha ku heysa daafaca Barcelona iyo Mareykanka Sergino Dest, 21. (Sport – in Spanish).
Wakiilka weeraryahanka xulka qaranka Brazil iyo kooxda Manchester City Gabriel Jesus ayaa xaqiijiyay in 25-sano jirkaan uu wadahadalo la yeeshay kooxda Arsenal oo ku aadan sidii uu ugu wareegi lahaa. (The guardian)
Qorshaha suuqa kala iibsiga xagaagan ee Manchester United ayaa jahawareer ku jira ka dib markii seddex bartilmaameed oo khadka dhexe ah xagaagan ay diideen inuu u dhaqaaqo Old Trafford. (DailyStar)
Tottenham ayaa xiiseyneysa seddex ciyaaryahan oo Everton ah, oo ay ku jiraan weeraryahanka Brazil Richarlison, 25, garabka Ingariiska Anthony Gordon, 21, iyo 24 jirka daafaca Ingiriis Ben Godfrey. (Telegraph)
Spurs ayaa sidoo kale isha ku heysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Leicester iyo Belgium Youri Tielemans, oo 25 jir ah. (GiveMeSport).
Dimitar Berbatov ayaa u sheegay naadigiisii hore ee Tottenham in aysan ku fikirin kaliya inay sii hayaan kabtanka England Harry Kane, oo 28 jir ah xagaagan, sababtoo ah kooxaha waa weyn waxay sidoo kale isha ku hayaan weeraryahanka South Korea Son Heung-min Heung, oo 29 jir ah. (London Evening Standard)
Manchester United ayaa loo sheegay inay bixiso 85.5 milyan ginni haddii ay doonayaan saxiixa weeraryahanka Nigeria Victor Osimhen, oo 23 jir ah, kana tirsan Napoli xagaagan. (Four Four Two)
West Ham ayaa u soo bandhigtay 23 jirka khadka dhexe ee England Declan Rice, kaasoo diirada u saaran Chelsea iyo Manchester United , qandaraas sideed sano ah oo uu ku qaadanayo 200,000 ginni isbuucii si uu ugu sii joogo kooxda. (Talksport)
Si kastaba ha ahaatee, Rice ma aqbali doono dalabka West Ham. (GiveMeSport)
Dhanka kale Hammers ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato weeraryahanka Aston Villa iyo xulka England Ollie Watkins, 26. (Mail).
Aston Villa ayaa ku dhow inay ku dhawaaqdo saxiixa joogtada ah ee Philippe Coutinho, oo 29 jir ah, kaasoo amaah ku joogay Villa Park tan iyo bishii Janaayo. (Fabrizio Romano)
Everton ayaa ka fiirsaneysa inay xagaaga u dhaqaaqdo goolhayaha Manchester City iyo Republic of Ireland Gavin Bazunu, oo 20 jir ah (Irish Independent).
Leicester ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Club Bruges iyo Belgium Charles de Ketelaere, oo 21 jir ah. (Corriere dello Sport – in Italian).
Manchester United ayaa ku qasbanaan doonta inay bixiso 34 milyan ginni oo lagu burburin karo qandaraaska weeraryahanka RB Leipzig iyo weeraryahanka Austria Konrad Laimer hadii ay doonayaan inay la soo wareegaan 24 jirkaan. (Transfermarkt – Jarmal)
Southampton ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo goolhayaha Fiorentina iyo Poland Bartlomiej Dragowski, oo 24 jir ah.
Ciyaaryahankii hore ee Manchester United iyo England Michael Carrick, 40, ayaa ugu cadcad inuu noqdo tababaraha xiga ee Lincoln City . (Insider)