Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta oo Khamiis Ah 19 May

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Manchester City ayaa xiiso u qabta inay la soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Leeds iyo xulka England Kalvin Phillips, oo 26 jir ah, iyagoo doonaya inay ku bedelaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brazil Fernandinho, oo 37 jir ah, kaasoo ka tagaya dhamaadka xilli ciyaareedkan sagaal sano ka dib. (Mirror)

Paris St-Germain ayaa isku diyaarinaysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Liverpool iyo Senegal Sadio Mane, oo 30 jir ah, iyadoo ay jiraan warar sheegaya inuu joojinayo qandaraas cusub. Heshiiska Mane ee haatan waxa uu dhacayaa June 2023. (Sport Bild’s Christian Falk)

Manchester United ayaa u sheegtay Barcelona inaysan qarxin doonin miisaaniyadeeda heshiis 70 milyan ginni ah oo ay kula soo wareegayaan Frenkie de Jong , oo 25 jir ah, inkastoo tababaraha cusub Erik ten Hag uu doonayo inuu mar kale la shaqeeyo ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Ajax. (DailyMail)

Ten Hag ayaa daafaca dhexe ee Argentina Lisandro Martinez, 24, ku daray liiska ciyaartoyda uu doonayo inuu keeno Old Trafford xagaagan. Martinez ayaa ka caawiyay Ten Hag’s Ajax inay ku guuleysato horyaalka Holland 2021-22. (Telegraph)

Dhanka kale, United ayaa sidoo kale xiiseyneysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lazio Sergej Milinkovic-Savic, oo 27 jir ah, kaasoo sameeyay 11 gool iyo 11 caawin 36 kulan oo horyaalka ah. (Calciomercato)

PSG iyo Juventus ayaa weli baadi goob ugu jira xiddiga khadka dhexe ee Manchester United iyo France Paul Pogba, oo 29 jir ah, kaasoo qandaraaskiisu dhacayo xagaagan. Si kastaba ha ahaatee, Pogba uma dhaqaaqi doono Manchester City. (Fabrizio Romano)

Chelsea ayaa dooneysa inay si xor ah kula soo wareegto kabtanka AC Milan iyo daafaca Talyaaniga Alessio Romagnoli, oo 27 jir ah, xagaagan. (Mundo Deportivo – Isbaanish)

Leicester ayaa qarka u saaran inay wax ka weydiiso goolhayaha Brighton ee 50 milyan ginni lagu qiimeeyo ee Spain Robert Sanchez, oo 24 jir ah, iyadoo goolhayaha Denmark Kasper Schmeichel, 35, uu qarka u saaran yahay inuu wadahadalo la galo xaaladda qandaraaskiisa Foxes. (Telegraph)

26 jirka garabka uga ciyaara kooxda Arsenal Nicolas Pepe oo 72 milyan ginni ugu soo biiray kooxda Arsenal sanadkii 2019-kii ayaa ka niyad jabay waqti la’aantiisa waxaana laga yaabaa inuu ku riixo inuu baxo. (Mirror)

Dhanka kale, Gunners ayaa la filayaa inay 35 milyan ginni ku dalbato weeraryahanka Manchester City ee Brazil Gabriel Jesus, oo 25 jir ah, kaasoo qarka u saaran inuu baxo ka dib imaatinka Erling Haaland. (football.london)

Madaxda Arsenal ayaa wada hadalo ku aadan iibinta daafaca reer Brazil ee Gabriel Magalhaes xagaagan, iyadoo 24 jirkaan lagu qiimeeyo 51 milyan ginni, kaasoo lala xiriirinayo Juventus . (Tuttosport – Talyaani)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Conor Gallagher, oo 22 jir ah, iyo weeraryahanka Albania Armando Broja, oo 20 jir ah, ayaa ku laaban doona Chelsea marka ay amaahda ay ku joogaan Crystal Palace iyo Southampton uu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Fabrizio Romano)

Chelsea ayaa dejisay qorshe ay kula soo saxiixaneyso daafaca dhexe ee kooxda Sevilla Jules Kounde, oo 23 jir ah, isla marka ay la soo wareegaan milkiilayaashooda cusub oo ay soo afjaraan cunaqabateynta. (Goal)

Chelsea ayaa sidoo kale qorsheyneysa inay wadahadalo dib ula furto xiddiga Barcelona Ousmane Dembele, hadii garabka France, oo 25 jir ah, uu wali diyaar yahay ka dib markii ay la wareegeen. (90min)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Aston Villa ee Scotland John McGinn, 27, ayaa ku jira liiska Tottenham ee bartilmaameedyada xagaaga. (Telegraph)

Southampton ayaa liiska ciyaartoyda u sharaxan xagaagan saartay laba ciyaartoy oo ka soo qalin jabiyay akadeemiyada Manchester City waana weeraryahanka England ee 19 jirada Liam Delap oo 19 jir ah iyo goolhayaha Republic of Ireland Gavin Bazunu oo 20 jir ah (Sun).

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Fulham iyo Cameroon Andre-Frank Zambo Anguissa, oo 26 jir ah, ayaa sii joogi doona Napoli xilli ciyaareedka soo socda ka dib markii uu amaah hal xilli ciyaareed ah ugu biiray bishii Agoosto ee la soo dhaafay. (Football Italia)

Tababaraha Manchester United ee 23 jirada Neil Wood ayaa wadahadalo kula jira Salford City oo ku saabsan shaqada tababaraha ee ka banaan kooxda League Two. (Insider)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*