Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Khamiis Ah 26 May

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Maanta oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Chelsea ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka RB Leipzig ee reer France Christopher Nkunku, 24.(Goal).

Blues ayaa isku dayi karta in ay soo dagto xiddiga khadka dhexe ee kooxda Monaco iyo xulka qaranka France ee Aurelien Tchouameni, oo 22 jir ah, ka hor Real Madrid marka ay dhamaystirto la wareegidooda. (Goal).

Ciyaartoyda Chelsea ee uu qandaraaskoodu dhacayo dhawaan ayaa doonaya inay maqlaan qorshaha milkiilayaasha cusub ee kooxda ka hor inta aysan saxiixin heshiisyo cusub. (Times)

Newcastle United ayaa miisaamaysa inay u dhaqaaqdo rikoorka kooxda ee 24 jirka khadka dhexe ee Brazil Lucas Paqueta, kaasoo u ciyaara kooxda Faransiiska ee Lyon. (Times)

Tottenham ayaa isha ku heysa daafaca dhexe ee Italy iyo Inter Milan Alessandro Bastoni, 23, iyadoo Manchester United ay sidoo kale xiiseyneyso. (Gazzetta dello Sport)

Goolhayaha reer England Fraser Forster, oo 34 jir ah, ayaa tijaabada caafimaadka ku maray Hotspur Way ka hor inta uusan dhamaystirin ku biiristiisa Spurs marka uu dhacayo qandaraaskiisa Southampton bisha soo socota. (Dailymail)

Arsenal ayaa isha ku haysa xaalada Alvaro Morata. Weeraryahanka reer Spain, oo 29 jir ah, ayaa xilli ciyaareedkan amaah kula joogay Juventus oo uu kaga soo biiray Atletico Madrid . (Tuttosport – Talyaani)

Xiddiga diirada u saaran Gunners Tammy Abraham ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay Roma laakiin 24 jirka weerarka uga ciyaara England ayaa diiday inuu meesha ka saaro ku soo laabashada Premier League xagaagan. (Metro)

Arsenal ayaa sidoo kale xiiso u qabta in ay dib ula soo saxiixato xiddiga garabka uga ciyaara xulka qaranka Germany ee Serge Gnabry kana tirsan kooxda Bayern Munich laakiin ma awoodaan in ay helaan 26 jirkan xagaagan. (Christian Falk).

Arsenal ayaa u soo bandhigtay 22 jirka weerarka uga ciyaara Ingariiska Eddie Nketiah qandaraaskii ugu dambeeyay – waxaana jira dareen sii kordhaya oo uu u saxiixi doono inuu sii joogo wax ka badan qandaraaskiisa haatan oo dhacaya xagaaga. (Dailymail)

Real Madrid ayaa la rumeysan yahay inay diyaar u tahay inay 120 milyan euros (£102m) ku iibiso 22 jirka AC Milan iyo Portugal ee Rafael Leao, kaasoo qandaraaskiisu dhacayo Juun 2024 oo ay ku jiraan 150 milyan euro (£ 128m) oo lagu burburin karo qandaraaskiisa. (Gazzetta dello Sport)

Barcelona ayaan wali heshiis ka gaarin heshiis kordhinta weeraryahanka France Ousmane Dembele, iyadoo 25 jirkaan uu qandaraaskiisu dhacayo xagaagan. (Marca)

Aston Villa ayaa diyaar u ah inay xoojiso baacsiga 22-jirka Rangers iyo daafaca Nigeria Calvin Bassey. (Times)

Barcelona ayaa la kulantay wakiilka xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka England ee Villa England Carney Chukwuemeka, oo 18 jir ah. (Sport – in Spanish).

Paris St-Germain ayaa dooneysa inay iska iibiso weeraryahanka Brazil Neymar, oo 30 jir ah, haddii ay helaan dalab la aqbali karo xagaagan. (Hadaf)

Liverpool ayaa iib ka dhigtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Alex Oxlade-Chamberlain, oo 28 jir ah, iyadoo Aston Villa iyo West Ham ay ka mid yihiin kuwa xiiseynaya. (Mirror)

Wadahadaladii u dhaxeeyay West Ham iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Czech Tomas Soucek, oo 27 jir ah, kaasoo ku saabsanaa qandaraas cusub ayaa gaaray meel xun. (The guardian)

Everton iyo Crystal Palace ayaa isha ku haya ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brazil Ederson Silva, oo 22 jir ah, kaasoo u ciyaara kooxda Seri A ee Salernitana. (Insider)

Daafaca 25-jirka ah ee Everton Jonjoe Kenny, kaas oo qandaraaskiisu uu dhacayo xagaaga, ayaa meesha ka saaray mustaqbalkiisa, wuxuuna sheegay ‘wax badan ayaa suurtagal ah’ xagaagan. (Liverpool Echo)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jarmalka Pascal Gross, oo 30 jir ah, ayaa wadahadalo horumar leh kula jira qandaraas cusub oo uu ku sii joogayo Brighton isagoo qandaraaskiisa haatan dhacayaa bisha June. (Kicker – Jarmal)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*