
Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Maanta oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Chelsea ayaa u sheegtay weeraryahankeeda Belgium Romelu Lukaku, oo 29 jir ah, inuu amaah ugu biiri karo Inter Milan haddii dhaqaaluhu ku habboon yahay kooxda Premier League.Guardian
Si kastaba ha ahaatee, Inter kuma kalsoona inay heshiis la gaarto Chelsea sababtoo ah dhaqaalaha ku lugta leh. Mail
Weeraryahanka kooxda Benfica ee reer Uruguay Darwin Nunez, oo 22 jir ah, ayaa ka labalabeynaya inuu ku biiro Manchester United sababtoo ah kuma jiraan Champions League xilli ciyaareedka soo socda. Mirror
Liverpool ayaa hor istaagtay Red Devils tartanka loogu jiro Nunez. Star
Nunez ayaa ku wargaliyay maamulaha Liverpool Jurgen Klopp inuu doorbidayo inuu u dhaqaaqo Anfield. Sun
Manchester United ayaa dalabkii ugu horeeyay ka gudbisay 60m euros (£51m) – oo lagu daray 20 milyan oo Yuuro (£17m) oo dheeri ah – si ay u helaan 25 jirka khadka dhexe uga ciyaara Barcelona ee Frenkie de Jong, kaasoo uu la xiriiray tababare Erik ten Hag . Marca – Isbaanish
Weeraryahanka Wales Gareth Bale, oo 32 jir ah, ayaa laga yaabaa inuu u saxiixo kooxda fadhigeedu yahay Madrid ee Getafe sababtoo ah rabitaan ah inuusan xididada u siibin qoyskiisa ka dib markii uu ka tagay Real Madrid . Mail
Laakiin wakiilka Bale ee Joshua Barnett ayaa meesha ka saaray xiriir kasta oo ka dhexeeya kooxda La Liga ka dhisan iyo kalyantigiisa Fabrizio Romano
Weeraryahanka Brazil Richarlison, 25, ayaa u sheegay Everton inuu doonayo inuu ka tago kooxda. Sun
Weeraryahanka reer England Harry Kane ayaa rajo ka qaba mustaqbalkiisa Tottenham ee tababare Antonio Conte – waxaana laga yaabaa in lagu qanciyo in uu mustaqbalkiisa ku dhameysto kooxda. Mail
Weeraryahanka Manchester City iyo xulka Brazil Gabriel Jesus ayaa loo soo bandhigay Tottenham taasoo dhabarjab ku ah kooxda ay xafiiltamaan waqooyiga London ee Arsenal oo sidoo kale lala xiriirinayo 25 jirkaan. Guardian
City ayaa qarka u saaran inay xiriir la sameyso Leeds United si ay ula soo wareegto 26 jirka qadka dhexe ee England Kalvin Phillips. Sun
West Ham ayaa dhageysan doonta dalabyada u imaanaya garabka Algeria Said Benrahma, 26, xagaagan. Mail
Tababarihii hore ee Manchester United Louis van Gaal ayaa uga digay daafaca Ajax iyo Netherlands Jurrien Timber, oo 20 jir ah, inuu u dhaqaaqo Old Trafford xagaagan. TalkSport
Tottenham ayaa laga soo diiday isku daygii ay ku doonaysay saxiixa weeraryahanka Manchester United iyo xulka England ee Marcus Rashford, oo 24 jir ah. Guardian
Juventus ayaa qaboojisay xiisihii ay u qabtay weeraryahankii hore ee Manchester United Jesse Lingard ka dib markii ay markii hore muujisay xiisaha ay u qabto 29 jirka reer England beeca xorta ah. Goal
Laacibka khadka dhexe ee PSV Eindhoven Ibrahim Sangare ayaa qalbigiisa ka dhaadhiciyay inuu u dhaqaaqo Premier League, iyadoo Liverpool , Chelsea , Manchester United iyo Newcastle ay isha ku hayaan 24 jirka reer Ivory Coast. Sky aports
Manchester United iyo Chelsea ayaa xiiseynaya 21 jirka daafaca uga ciyaara Leicester ee Wesley Fofana. RMC Sport – Faransiis
Inter Milan ayaa sii haysan doonta daafaca reer Italy Alessandro Bastoni, oo 23 jir ah, taasoo dhabarjab ku ah Manchester United iyo Tottenham . Mirror
Southampton ayaa u dhaqaaqday saxiixa goolhayaha Jamhuuriyadda Ireland Gavin Bazunu, oo 20 jir ah, kana tirsan Manchester City .mail
Arsenal ayaa loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan karto 26 jirka daafaca uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund Manuel Akanji Sun
Be the first to comment