Home Suuqa kala iibsiga Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Sabti Ah...

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Sabti Ah 16-ka September

0

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Jadon Sancho ayaa u furan inuu ka tago Manchester United suuqa Janaayo haddii 23 jirka garabka uga ciyaara England, uu sii joogo kooxda ilaa sanadka cusub. (Manchester Evening News)

Erik ten Hag kama laaban doono dalabkiisa raali gelinta ah, si gaar ah iyo mid guudba, ee Sancho oo sheegay in maamulaha United uusan runta sheegin. (ESPN)

West Ham ayaa awoodi wayday inay heshiis la gaarto Hugo Ekitike intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga, laakiin weeraryahanka reer France, oo 21 jir ah, ayaa qarka u saaran inuu ka tago Paris St-Germain bisha Janaayo.  (Football Insider)

Bayern Munich ayaa laga yaabaa inay dib u eegto u dhaqaaqista daafaca reer England ee Chelsea Trevoh Chalobah, oo 24 jir ah, suuqa Janaayo. (Football Insider)

Agaasimayaasha isku dhafka ah ee kooxda Chelsea Paul Winstanley iyo Laurence Stewart ayaa difaacay lacagaha ay kooxdu qarash garaysay iyo xadiga dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga ee ay Blues samaysay xagaagan. (Metro)

Boca Juniors ayaa isku diyaarinaysa inay heshiis cusub u soo bandhigto bartilmaameedka Manchester City ee Valentin Barco kaas oo ka dhigaya daafaca bidix ee Argentine, oo 19 jir ah, mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaharka badan kooxda. (Diario AS – in Spanish)

City “waxa ay la timid wax walba” si ay ula soo saxiixato Lamine Yamal xagaagan, ka hor inta uusan 16 jirkaan garabka ka ciyaarin xilli ciyaareedkan Barcelona iyo Spain. (Marca – in Spanish)

Daafaca kooxda Nice ee France Jean-Clair Todibo, oo 23 jir ah, ayaa sheegay inuusan dooneynin inuu ku biiro Manchester United xagaaga sababtoo ah ‘ma doonayo inuu qalad sameeyo’. (L’Equipe – in French)

Agaasimaha kubada cagta Everton Kevin Thelwell ayaa milkiilayaashooda cusub u gudbiyay seddex qorshe oo kala duwan oo ay ku qoranayaan ciyaartoyda laakiin jawaabta ayaa aheyd mid aad u qabow taasoo keentay inay walaac ka muujiyaan shaqsiyaadka sare ee kooxda oo ku saabsan xiisaha ay u qabaan maalgashiga kooxda. (Football Insider)

Liverpool ayaan wax heshiis ah la gaarin daafaca dhexe ee kooxda Bayer Leverkusen iyo Ecuador Piero Hincapie, oo 21 jir ah, inkastoo ay jiraan warar kale. (FootballTransfers)

Arsenal ayaa kalsooni ku qabta inay heshiis kordhin la gaarto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Norway Martin Odegaard, 24. (ESPN).

Gunners ayaa sidoo kale doonaysa in ay qandaraaska u kordhiso daafaca reer England ee Ben White inkasta oo 25 jirkan uu wali haysto saddex sano oo uu ku sii jiro heshiiskiisa haatan. ( Metro)

Kadib markii uu ka soo wareegay Borussia Dortmund kuna biiray Anderlecht , Thorgan Hazard ayaa ka codsaday walaalkii Eden oo 32 jir ah kaas oo wali ah wakiilka xorta ah ka dib markii uu ka tagay Real Madrid in uu raaco si uu ugu laabto dalkooda Belgium. (Sport – Isbaanish)

Weeraryahanka Poland Robert Lewandowski ayaa hoos u dhigay suurtogalnimada uu ugu dhaqaaqi karo Saudi Pro League ama Major League Soccer ee dalka Mareykanka, 35 jirkaan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Barcelona . (AS – in Spanish)

Uefa ayaa ka fikiraysa isbedelo lagu sameeyo Champions League dumarka, oo ay ku jirto balaadhinta tartanka. (Times – subscription required)

Previous articleXiddigii Liverpool ee “saxiixii ugu xumaa ee waayaha Jurgen Klopp” oo waayihiisa ciyaareed dib ugu soo nooleeyay kooxdiisa cusub
Next articleKylian Mbappe oo xalay barbarreeyey rikoodhkii gool-dhalinta ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here