Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Al-Ittihad ayaa diyaar u ah inay 200 milyan ginni ku dalbato weeraryahanka Liverpool ee Masar Mohamed Salah, oo 31 jir ah, ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga Pro League ee Sacuudiga 7da Sebtember. (Mail)
Liverpool ayaa horeba u haysatay badalka Salah oo la soo shirtagay waxaana laga yaabaa inay u dhaqaaqdo garabka PSV Eindhoven ee Belgian Johan Bakayoko, 20, Janaayo, haddii weeraryahanka Masar go’aansado inuu baxo. (Express)
Lazio ayaa go’aansatay inay ka hortimaado saxiixa 21-jirka Ingiriis ee weerarka uga ciyaara Manchester United Mason Greenwood ka hor inta uusan amaah ugu biirin Getafe maalintii ugu dambeysay. (Gaol)
Wadahadaladii Atletico Madrid ee Tottenham ee ku aadan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Denmark Pierre-Emile Hojbjerg, 28, ayaa dhamaaday ka dib markii Spurs ay diiday dalabkii ugu horeeyay maadaama aysan ku jirin waajib ah inay iibsadaan. (Fabrizio Romano)
Southampton ayaa hor istaagtay 27 jirka reer Scotland ee Che Adams amaah uu ugu dhaqaaqay Wolves . (Athletic – subscription required)
Tababaraha kooxda chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa sheegay in suuqa kala iibsiga ciyaartoyda uu ahaa mid aad u adag inkasta oo ay kooxdiisu suuqa galisay in ka badan 360 milyan oo gini xagaagan. (FourFourTwo)
Xiddiga garabka uga ciyaara France Nicolas Pepe, oo 28 jir ah, ayaa laga yaabaa inuu ka tago Arsenal kuna biiro koox aan la magacaabin oo Sacuudi ah ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga Pro League 7da Sebtember. (Football London vai Fabrice Hawkins)
Arsenal ayaa ku fikirtay inay joojiso qandaraaska Pepe jimcihii, hal sano ka hor dhamaadka heshiiskiisa, ka dib markii uu u dhaqaaqi lahaa Besiktas . (Mail)
Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa la filayaa in uu 21 jirka khadka dhexe uga ciyaara xulka qaranka Holland iyo saxiixiisa cusub ee Ryan Gravenberch isaga oo ka ciyaari doona booska 8-aad ee khadka dhexe. (Express)
Bayern Munich ayaa weyday saddex bartilmaameed maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Portugal Joao Palhinha, 28, waxaa sii heysta Fulham , daafaca dhexe ee Jarmalka Armel Bella-Kotchap, 21, wuxuu doortay inuu amaah ugu biiro PSV Eindhoven Southampton iyo daafaca Chelsea ee England Trevor. Chalobah, 24, ayaa u muuqda inuu sii joogi doono Stamford Bridge (Goal)
Daafaca Senegal Mamadou Fall, oo 20 jir ah, ayaa dhammaystiray amaah uga soo wareegay kooxda MLS ee Los Angeles FC oo uu ugu biiray Barcelona maalintii ugu dambaysay, iyada oo ikhtiyaar u ah inuu u wareego si joogto ah £ 5.6m ($ 7m) (Athletic – subscription required)
Soo jeedintii Bournemouth amaah ay kula soo wareegtay 24 jirka Leicester City iyo Zambia weeraryahanka Patson Daka ayaa dhacay saacadihii ugu dambeeyay ee suuqa. (Mail)
Garabka Jamaica Demarai Gray, oo 27 jir ah, ayaa sii joogi doona Everton , inkastoo uu dalab ka helay koox Saudi Arabia ah. (Sky Sports)