Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Tottenham ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqeysa goolhayaha Chelsea ee Senegal Edouard Mendy, oo 31 jir ah, iyagoo doonaya inay bedelaan goolhayaha Faransiiska Hugo Lloris, oo 36 jir ah, kaasoo qandaraaskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Sun)
Daafaca Manchester United iyo England Harry Maguire ayaa laga yaabaa inuu u dhaqaaqo West Ham ama Tottenham iyadoo 30 jirkaan uusan boos ka helin tababare Erik ten Hag. (Football Transfers)
Manchester United ayaa laga yaabaa inay xagaaga laba weeraryahan la soo saxiixato weeraryahanka Atalanta ee Danmark Rasmus Hojlund, 20, isagoo ku biiraya weeraryahanka Tottenham iyo England Harry Kane, 29, oo ka mid ah liiska bartilmaameedyada kooxda.(Times – subscription required)
Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Chelsea Frank Lampard ayaa sheegay inuu isku dayay inuu la soo saxiixdo weeraryahanka reer Norway Erling Haaland intii lagu jiray shaqadiisii ugu horeysay ee Stamford Bridge, ka hor inta uusan 22 sanno jirkaan u dhaqaaqin Borussia Dortmund. (Mail)
Wakiilka goolhayaha Inter Milan Andre Onana, oo 27 jir ah, ayaa sheegay in ciyaaryahankii hore ee Cameroon uu ku faraxsan yahay Talyaaniga iyadoo ay xiiseyneyso Chelsea. (TV Play via Standard)
Tottenham ayaa ah kooxda hogaanka u haysa tartanka loogu jiro in uu tababare u noqdo kooxda Feyenoord ee Arne Slot dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo kooxda reer Holland ay ka cabsi qabto in uu u dhaqaaqo England. (Sky Sports)
William Saliba ayaa xiiso ka helaya saddex kooxood oo aan la magacaabin, iyadoo Arsenal ay sii wadato inay heshiis cusub ka saxiixato 22 jirka daafaca dhexe ee France. (Mirror)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea iyo xulka England Ruben Loftus-Cheek, oo 27 jir ah, ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu u dhaqaaqo AC Milan, kaasoo u qoondeeyay bartilmaameedka koowaad ee suuqa kala iibsiga xagaaga. (Fabrizio Romano)
Milkiilaha kooxda Crystal Palace Steve Parish ayaa amaan balaaran u jeediyay tababare Roy Hodgson ka hor wadahadalada qandaraas kordhinta ee u dhexeeya tababaraha rugcadaaga ah iyo kooxda. (Standard)
Goolhayaha Palace iyo England Jack Butland, oo 30 jir ah, kaasoo haatan amaah ugu maqan Manchester United, ayaa ku dhow inuu ogolaado u dhaqaaqista Rangers xagaagan. (Mail)
Ka dib markii lagu dhawaaqay inuu ka tagayo Manchester United, daafaca England Phil Jones, oo 31 jir ah, “waxay qaadaneysaa waqti” si uu u miisaamo dhaqdhaqaaqiisa xiga. (Lancashire Telegraph)
Wakiilka weeraryahanka Crystal Palace Wilfried Zaha, oo 30 jir ah, ayaa dhawaan la kulmay kooxda Turkiga ee Fenerbahce, taasoo sii hurineysa xanta xiddiga reer Ivory Coast ee xagaagan. (Goal)
Lucas Moura ayaa qiimeynaya dookhyadiisa ka dib markii uu go’aansaday inuu ka tago Tottenham, iyadoo kooxaha Saudi Arabia, Major League Soccer iyo Serie A ay la xiriireen 30 jirka reer Brazil. (Fabrizio Romano)
West Ham ayaa u ogolaan doonta tababare David Moyes inuu go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa hadii uu ku hogaamiyo inay ku faanaan Europa Conference League. (Mail)
Paris St-Germain ayaa qarka u saaran inay kordhiso isku daygeeda ay Jose Mourinho kaga soo kaxayso Roma, iyadoo ciyaartoyda ku dhow tababaraha reer Portugal ay ka cabsi qabaan inuu ka tago kooxda reer Talyaani xagaagan. (Mail)
Manchester United iyo Chelsea ayaa waji ka waji wajihi doona si ay u helaan adeega weeraryahanka reer Nigeria ee Gent Gift Orban, 20. (FourFourTwo)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jarmalka Joshua Kimmich ayaa la rumeysan yahay inuu ka fikirayo mustaqbalkiisa Bayern Munich, kuwaas oo aan wax niyad ah u haynin inay iibiyaan 28 jirkaan. (90min)
Bayern Munich ayaa ka laabatay inay u dhaqaaqdo 25 jirka khadka dhexe ee Ajax iyo Mexico Edson Alvarez, kaasoo bedelkeeda u dhaqaaqi kara Borussia Dortmund. (Sky Sport Germany)