Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Sabti Ah 21-ka January

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Manchester United ayaa xiiseyneysa inay keento weeraryahanka Tottenham iyo England Harry Kane, oo 29 jir ah, xagaagan Old Trafford. (Mail)

Chelsea ayaa sare u qaadaysa isku dayga ay ku doonayso inay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga khadka dhexe ee England Mason Mount iyada oo wajaheysa rajada sii kordhaysa ee Liverpool oo isku dayaysa inay soo iibsato 24 jirkaan xagaagan. (Guardian)

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Morocco Hakim Ziyech, oo 29 jir ah, ayaa isha ku haya inuu ka dhaqaaqo Chelsea oo uu ku biiro Barcelona bishaan. (Sport – in Spanish)

Liverpool ayaa wali wadahadalo kula jirta Roberto Firmino oo ku saabsan heshiis cusub oo waqti gaaban ah, 31 jirka reer Brazil ayaa sheegay in uu doonayo in uu sii joogo kooxda. (Fabrizio Romano)

Arsenal ayaa xiisaynaysa in ay heshiis amaah ah oo lama filaan ah kula soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid iyo France Eduardo Camavinga, oo 20 jir ah, si ay kor ugu qaadaan kooxdooda inta ka dhiman xilli ciyaareedkan. (Evening Standard)

Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay amaah ugu dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Borussia Dortmund Marco Reus, oo 33 jir ah, ka dib markii Erik ten Hag uu la kulmay wakiilka Jarmalka. (Cought Offside)

Arsenal iyo Newcastle ayaa raacaya horumarka uu sameeyay daafaca midig ee kooxda Real Valladolid iyo xulka Spain ee Ivan Fresneda, oo 18 jir ah. (Fichajes – in Spanish).

Thomas Tuchel uma badna inuu qabto shaqada Tottenham hadii ay diyaar noqoto sababtoo ah macalinka reer Jarmal wuxuu hiigsanayaa Barcelona ama Real Madrid oo ah talaabadiisa xigta. (Florian Plettenberg)

Dhanka kale, maamulaha Borussia Dortmund Edin Terzic ayaa ku booriyay ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Jude Bellingham, 19, inuu “jabiyo caqiidada” oo uu diido hababka Real Madrid iyo Liverpool si uu u sii joogo kooxda Jarmalka. (Mirror)

Bournemouth ayaa weydiisay Roma wax ku saabsan inay amaah ugu dhaqaaqaan daafaca bidix ee reer Uruguay Matias Vina iyadoo 25 jirkaan uusan boos ka helin tababare Jose Mourinho. (Mail)

Leicester City ayaa qaab cusub u soo bandhigtay daafaca Stoke City iyo Australia Harry Souttar, 24, ka dib markii dalabkoodii ugu horeeyay ee 10 milyan ginni laga soo diiday. (Mail)

Arsenal ayaa ku dhow inay la soo wareegto 22 jirka Spezia iyo daafaca Poland Jakub Kiwior heshiis la fahamsan yahay inuu ku kacayo 20 milyan ginni. (Sky Sports)

Tababaraha Aston Villa Unai Emery ayaa qarka u saaran inuu iska diro daafaca Ingariiska Calum Chambers – ka dib markii uu sidoo kale iska fasaxay 28-sano jirkaan markii ay labada ciyaaryahan joogeen Arsenal – isagoo doonaya inuu dib u habeyn ku sameeyo kooxdiisa. (Mirror)

Newcastle United ayaa sii wadaysa wadahadalada ay kula jirto Flamengo si ay isugu dayaan inay heshiis uga gaaraan 18 jirka reer Brazil Matheus Franca. (90 min)

Chelsea ayaa xiiseyneysa saxiixa daafaca midig ee kooxda Lyon Malo Gusto, inkastoo kooxda Ligue 1 ay jeclaan laheyd inay sii haysato 19 jirka reer France ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka. (L’Equipe -in French)

Kooxda reer talyaani ee Salernitana ayaa haatan wadahadalo kula jirta wakiilka daafaca reer England ee Everton Michael Keane waxana ay doonaysaa in ay ku qanciso 30 jirkan u dhaqaaqista kooxda. (TuttoSalernitana, via Football Italia)

Weeraryahanka reer Norway ee kooxda Club Bruges Antonio Nusa, oo 17 jir ah, “wuxuu u ciyaari doonaa” kooxda heysata horyaalka Premier League ee Manchester City mustaqbalka, sida uu qabo ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Netherlands Ruud Vormer. (Het Laaste Nieuws, Via HITC)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*