Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Newcastle United ayaa horumar la taaban karo ka sameysay wadahadalada qandaraaska loogu kordhinayo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brazil Bruno Guimaraes, oo 25 jir ah, waxaana hadda heshiis dhow yahay. (Fabrizio Romano)
Chelsea iyo Manchester City ayaa sameeyay su’aalo ku saabsan Guimaraes, kaasoo qandaraaskiisa Newcastle uu dhacayo ilaa 2026, xagaagan. (90min)
Arsenal iyo Liverpool ayaa ka mid ah kooxaha isha ku haya 18 jirka garabka uga ciyaara kooxda Club Brugge ee Norway Antonio Nusa kaas oo iska diiday fursad uu ugu biiri lahaa Chelsea dhamaadkii suuqa kala iibsiga. (90min)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus iyo France Adrien Rabiot, oo 28 jir ah, ayaa meesha ka saaray inuu ku laabanayo Paris St-Germain , waxaana uu sheegay inuu ku faraxsan yahay kooxda reer Talyaani. (Gazetta dello Sport – in Italian)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Belgium Youri Tielemans, 26, ayaan ku faraxsanayn inuu u ciyaaro Aston Villa, isagoo beeca xorta ah ugu soo biiray xagaagii ka dib markii uu dhamaaday qandaraaskiisa Leicester City. (Goal)
Brighton ayaa dooneysa inay heshiis cusub ka saxiixdo 26 jirka garabka uga ciyaara Japan Kaoru Mitoma dhamaadka sanadka. (90min)
Daafaca Greece Kostas Tsimikas, 27, ayaa qarka u saaran inuu saxiixo qandaraas labo sano ah oo uu ku sii joogayo Liverpool ilaa 2027. (Mail via Athletic).
Manchester United ayaa jeclaan lahayd inay iska iibiso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Netherlands Donny van de Beek, oo 26 jir ah, ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Turkiga toddobaadka soo socda (Football Insider)
Chelsea ayaa soo faragalisay si ay Wolves uga hor istaagto saxiixa khadka dhexe ee xulka qaranka France ee 21 jirada Habib Diarra, oo 19 jir ah, xagaagan kooxda walaasheed ee Strasbourg . (Football Insider)
Weeraryahankii hore ee England Andy Carroll, oo 34 jir ah, ayaa sheegay inuu u soo bandhigay inuu sii joogo England ka hor inta uusan go’aansan inuu ku biiro kooxda Faransiiska Ligue 2 ee Amiens . (Sun)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Romeo Lavia, oo 19 jir ah, ayaa dhaawac canqowga ah ka soo gaaray intii lagu guda jiray tababarka, kooxda ayaana sugeysa natiijada baaritaanka si loo ogaado heerka ay gaarsiisan tahay arrinta ciyaaryahanka reer Belgium. (Guardian)
Xiddiga garabka uga ciyaara England ee Jadon Sancho, oo 23 jir ah, ayaa wajahaya dagaal uu dib ugu soo ceshanayo taageerada saaxiibadiisa Manchester United , iyo sidoo kale tababare Erik ten Hag, ka dib markii uu si caro leh uga falceliyay in meesha laga saaray. (ESPN)
Manchester City ayaa Barcelona kula xiriirtay suurtogalnimada ay kula soo saxiixan karto daafaca bidix ee Spain Alejandro Balde, oo 19 jir ah. (Fabrizio Romano, via Sport – in Spanish).
Weeraryahankii hore ee Spain iyo Real Madrid Raul ayaa ka fiirsanaya inuu u soo bandhigo shaqada tababaranimo ee Villarreal, kaasoo shaqada ka ceyriyay Quique Setien ka dib qaab ciyaareed liita oo uu ku bilowday xilli ciyaareedkan. (Marca – in Spanish)