Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Bayern Munich ayaa isku diyaarinaysa in ay jabiso lacag rikoorka ah oo dhan 80 milyan oo euro oo u dhiganta (£68m) si ay 30 jirka weerarka uga ciyaara kooxda Tottenham ee Harry Kane . (Sky Sports)
Tottenham iyo Bayern ayaa wadahadal ku yeeshay London isniintii, waxaana u dhexeeya 25 milyan ginni qiimaha Kane. (Athletic – subscription)
Tottenham ayaa laga yaabaa inay u isticmaasho lacagta ay iibisay Kane inay ku soo qaadato khadka dhexe ee Barcelona iyo Ivory Coast Franck Kessie, oo 26 jir ah, iyo 28 jirka daafaca uga ciyaara France Clement Lenglet. (Mundo Deportivo – in Spanish)
Tottenham ayaa isha ku heysa Nottingham Forest oo 50 milyan ginni lagu qiimeeyo weeraryahanka Wales Brennan Johnson, 22, haddii Kane la iibiyo. (Mail)
Milkiilaha Chelsea Todd Boehly ayaa loolan kala kulmaya Barcelona oo heshiis lacag iyo ciyaartoy iyo lacag isugu jirta u soo bandhigaya Paris St-Germain oo ay ka doonayso 24 jirka reer France Kylian Mbappe. (Independent)
Chelsea ayaa sahminaysa heshiis isku badalasho ah oo ay ku lug leeyihiin weeraryahanka Belgium Romelu Lukaku, 30, iyo Juventus 23 jirka reer Serbia Dusan Vlahovic. (Fabrizio Romano)
PSG ayaa dib u soo ceshatay xiisaha ay u qabto 24 jirka Eintracht Frankfurt ee France Randal Kolo Muani. (L’Equipe – in French)
Daafaca 20-jirka ah ee Chelsea Levi Colwell ayaa ogolaaday inuu saxiixo qandaraas cusub oo lix sano ah. (Guardian)
Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay sare u qaado dalab ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Southampton ee Romeo Lavia kaas oo lagu qiimeeyo 50 milyan oo gini, iyadoo Chelsea iyo Manchester United ay sidoo kale doonayaan 19 jirkan. (Mail)
Liverpool ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto 16 jirka reer England ee khadka dhexe uga ciyaara Leicester City Trey Nyoni. (Mirror)
West Ham ayaa diyaar u ah inay ka baxdo heshiiska ay kula soo wareegayso Southampton 40 milyan ginni lagu qiimeeyo khadka dhexe ee England James Ward-Prowse ka dib markii laga soo diiday dalab labaad oo 28-sano jir ah. (Guardian)
West Ham ayaa diiday dalab 17 milyan ginni ah oo ay Inter Milan ka gudbisay 24 jirka weerarka uga ciyaara Italy Gianluca Scamacca. (Talksport)
Burnley ayaa wadahadalo amaah ah kula jirta Arsenal 23 jirka khadka dhexe ee Belgium Albert Sambi Lokonga. Daafaca Mareykanka Auston Trusty, 24, ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu ka tago Gunners, iyadoo Sheffield United ay hogaamineyso saxiixiisa. (Telegraph – subscription)
Paris St-Germain ayaan diyaar u ahayn inay aqbasho dalab ku kacaya 30m euros (£25.7m) oo uga yimid kooxda Sacuudiga ee Al-Hilal oo ay ku doonayaan 30 jirka khadka dhexe ee Italy Marco Verratti. (Fabrizio Romano)
Al-Hilal ayaa dalab 140m euro ah u dhiganta (£120.3m) ka gudbisay 24 jirka weerarka uga ciyaara Napoli ee Victor Osimhen. (Sky Sports)
Chelsea ayaa wadahadalo rasmi ah la bilowday Brighton oo ku aadan saxiixa 25 jirka reer Spain goolhayaha Robert Sanchez. (Talksport)
Brighton ayaan wax jawaab ah ka bixin dalabka furitaanka ee Chelsea oo ku aadan Sanchez. (Athletic – subscription)
Chelsea ayaa ku dooneysa 45 milyan ginni daafaca reer England Trevoh Chalobah, kaasoo qarka u saaran inuu baxo ka dib markii ay heshiis la gaareen 25 jirka daafaca uga ciyaara France Axel Disasi. Inter Milan ayaa xiiseyneysa Chalobah. (Evening Standard)
Everton, Wolves iyo Bournemouth ayaa isha ku haya 27 jirka weerarka uga ciyaara kooxda Southampton ee Che Adams. (Football Insider)
Nottingham Forest ayaa dooneysa 19 jirka weerarka uga ciyaara kooxda Rosario Central ee Argentine Alejo Veliz, laakiin wuxuu tartan kala kulmayaa AC Milan . (Sky Italy – in Italian)
Barcelona ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Atletico Madrid ee Portugal Joao Felix, 23, haddii garabka France Ousmane Dembele, oo 26 jir ah, uu ku biiro Paris St-Germain . (Sport -in Spanish)