
Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Manchester United ayaa ka baxday tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee England Jude Bellingham, oo 19 jir ah, kana tirsan Borussia Dortmund . Liverpool , Manchester City iyo Real Madrid ayaa ah kooxaha ugu cadcad. Sky Sports Germany
Real Madrid ayaan bixin doonin wax ka badan 125 milyan euros (£108m) si ay isugu dayaan inay Bellingham kala soo wareegaan kooxda reer Jarmal. Defensa Central – in Spanish
Inter Milan way ku adkaan doontaa inay diido dalab 50 milyan euros ah oo ay ku jiraan 10 milyan euros (£8.6m) oo ay ku doonayaan daafaca reer Holland Denzel Dumfries, oo 26 jir ah, kaasoo lala xiriirinayo Chelsea iyo Manchester United . Calciomercato – in Italia.
Manchester United ayaa wadahadalo la furtay 33 jirka reer Switzerland Yann Sommer kaas oo qandaraaskiisa Borussia Monchengladbach uu dhacayo xagaaga. Bild, iyada Via Mirror
Weeraryahanka Atletico Madrid iyo xulka Slovenia Jan Oblak, oo 29 jir ah, ayaa ah bartilmaameedka ugu weyn ee Manchester United, iyagoo doonaya inay la soo wareegaan goolhaye cusub. Fichajes – in Spanish
West Ham ayaa ku soo qaadan doonta daafaca dhexe ee Brazil Luizao heshiis seddex sano iyo bar ah marka uu 20 jirkaan qandaraaskiisa Sao Paulo dhaco dhamaadka Janaayo. 90 min
Daafaca Spain Cesar Azpilicueta, oo 33 jir ah, ayaa sheegay inuu doortay inuu la sii joogo Chelsea halkii uu u dhaqaaqi lahaa Barcelona xagaagii ka dib markii milkiilayaasha cusub ee kooxda Stamford Bridge ay “i tuseen inay doonayaan inaan sii joogo”. 90 min
Real Madrid ayaa xiiseyneysa Azpilicueta, waxaana xitaa laga yaabaa inay Chelsea dalab ka gudbiso daafaca midig inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo. Fichajes – in Spanish
Inter Milan ayaa isha ku heysa inay lasoo saxiixato Roma daafacii hore ee England Chris Smalling iyadoo 33 jirkaan qandaraaskiisu uu dhamaanayo xagaaga soo aadan. Gazzetta dello Sport – in Italia.
Newcastle United ayaa isha ku heysa inay u dhaqaaqdo 25 jirka daafaca uga ciyaara Fulham Antonee Robinson, kaasoo wacdaro ka dhigaya u ciyaarista Mareykanka ee Koobka Adduunka 2022. Teamtalk
Ciyaartoyda England ayaa lagula taliyay in ay dib u eegis ku sameeyaan tallaabooyinkooda ammaan ka dib markii la jabsaday guriga xiddiga garabka uga ciyaara Chelsea ee Raheem Sterling xilli uu ku sugnaa dalka Qatar oo uu ka qeyb galayay koobka adduunka. Times – subscription required
Leeds United ayaan wali wadahadalo heshiis kordhin ah la galin weeraryahanka reer Spain ee Rodrigo, iyadoo 18 bilood ay ka harsan tahay 31 jirkaan qandaraaskiisa haatan. Leeds Live
Napoli ayaa ku biirtay kooxo dhowr ah oo xiiseynaya 25 jirka khadka dhexe ee Ivory Coast Franck Kessie, kaasoo doorbidaya inuu sii joogo Barcelona . Relevo – in Spanish
Tababaraha Burnley Vincent Kompany ayaa ku jira liiska musharixiinta u sharaxan badalka Roberto Martinez oo ah tababaraha xulka Belgium. Sun
Be the first to comment