Home Suuqa kala iibsiga Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Talaado Ah...

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Talaado Ah 12-ka September

0

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Garabka England Jadon Sancho, oo 23 jir ah, ayaa laga yaabaa inuu ka tago Manchester United ka dib markii wadahadal uu la yeeshay tababare Erik ten Hag ay ku guuldareysteen inay xaliyaan khilaafkooda. (Star)

Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahankii hore ee Ajax, Aston Villa iyo Everton Anwar El Ghazi. 28 jirka reer Holland waa wakiil xor ah ka dib markii uu ka tagay PSV Eindhoven. (Mail)

Tababarihii hore ee Bayern Munich Julian Nagelsmann iyo tababarihii hore ee Netherland iyo Manchester United Louis van Gaal ayaa ku jira liiska musharixiinta u tartamaya badalka Hansi Flick oo shaqada laga ceyriyay ee Germany . (Mirror)

Maareeyihii hore ee Bayern Munich iyo Fulham Felix Magath, oo 70 jir ah, ayaa sheegay inuu haysto shahaadooyinka shaqada Jarmalka . (Sky Sports Germany)

Real Madrid ayaa diyaar u ah inay 200 milyan ginni kula soo wareegto 24 sanno jirka weerarka uga ciyaara Paris St-Germain ee Kylian Mbappe. (Mail)

Manchester United, oo diiday dalab uga yimid Arsenal oo 30 jir ah goolhayaha England Mary Earps, ayaan doonayn inay iska iibiso ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga haweenka ee Super League Khamiista, inkastoo qandaraaskeedu uu dhacayo bisha June ee soo socota. Telegraph – subscription)

Chelsea ayaa ka cabsi qabta 19-jirka khadka dhexe ee Belgium Romeo Lavia, kaasoo 58 milyan ginni ugu soo biiray bishii hore, inuu maqnaan doono lix toddobaad ka dib markii uu dhaawac canqowga ah ka soo gaaray tababarka. (Mirrior)

Arsenal, oo dalab 30 milyan ginni ah ka gudbisay Sporting CP 19 jirka daafaca uga ciyaara Ivory Coast Ousmane Diomande xagaagii, ayaa markale isku dayi doonta sanadka soo socda. (Record via Metro)

Weeraryahanka Atletico Madrid iyo France Antoine Griezmann, oo 32 jir ah, ayaa sheegay in u dhaqaaqista Mareykanka si uu ugu ciyaaro Major League Soccer ay weli tahay muhiimadiisa. (Goal)

Previous articleReal Madrid oo wali ku raad-joogtaa xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo ugu dambayntii ay rajaynayaan in ay la saxeexan doonaan
Next articleHalkan kaga bogo 25ka difaac dhexe ee ugu wanaagsan kubadda cagta waqtigan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here