Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Talaado Ah 17-ka January

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Arsenal ayaa bartilmaameedkeeda ugu sareysa xagaagan ka dhigtay 24 jirka khadka dhexe uga ciyaara kooxda West Ham Declan Rice waxayna kalsooni ku qabtaa inay saxiixiisa ku garaacdo Chelsea . (Times – subscription)

Agaasimaha ciyaaraha Borussia Dortmund Sebastian Kehl ayaa qorsheynaya inuu wadahadalo la yeesho 19-jirka khadka dhexe ee England Jude Bellingham iyo waalidkii, wuxuuna sheegay inaysan jirin wax dalab ah oo ay u soo bandhigeen. (Kicker – in Germal)

Dortmund ayaa xiiseyneysa saxiixa 20 jirka garabka uga ciyaara Manchester United Anthony Elanga, kaasoo hoos u dhacay heerka sare ee Old Trafford sababtoo ah Alejandro Garnacho oo kor u kacay. (Talksport)

Manchester United ayaa wadahadalo kula jirta Inter Milan oo ku aadan daafaca midig ee Netherlands Denzel Dumfries, oo 26 jir ah, iyadoo laga hadlayo lacag ku dhow 35 milyan ginni. (TuttoMercatoWeb – in Italian)

Tottenham ayaa weli wadahadalo kula jirta Sporting Lisbon oo ku saabsan saxiixa daafaca Spain Pedro Porro, 23, laakiin ma rabaan inay la kulmaan 45m euro (£ 40m) qandaraaskiisa hore. (90Min)

26-jirka garabka uga ciyaara Brazil Raphinha, kaasoo lala xiriirinayay Arsenal, ayaan wax niyad ah u haynin inuu ka tago Barcelona bisha Janaayo. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Newcastle United ayaa isha ku heysa inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Conor Gallagher, 22, iyo Ruben Loftus-Cheek, 26, iyo sidoo kale 29 jirka garabka uga ciyaara Morocco Hakim Ziyech bishaan. (Telegraph – subscription)

Agaasimaha ciyaaraha ee RB Leipzig Max Eberl ayaa sheegay in “calamadaha ay aad u cad yihiin” in 25 jirka reer France ee Christopher Nkunku uu ku biiri doono Chelsea . (Bild via Mail)

Newcastle ayaa kula biirtay Leicester City tartanka loogu jiro 24 jirka reer Argentina ee Fiorentina Nico Gonzalez, laakiin kooxda Serie A ayaan ku ogolaan doonin wax ka yar 40 milyan ginni. (TuttoMercatoWeb)

Everton iyo Newcastle ayaa wadahadalo kula jira saxiixa 21 jirka Bayer Leverkusen iyo daafaca Ecuador Piero Hincapie, kaasoo sidoo kale lala xiriirinayo Tottenham. (Football Insider)

Leeds United ayaa kordhisay dalabka 22 milyan ginni ee ay ku dooneyso 22 jirka qadka dhexe ee Angers Azzedine Ounahi, kaasoo wacdaro ka dhigay Koobka Adduunka 2022 ee Morocco. (90min)

Chelsea iyo Tottenham ayaan hadda ceyrsaneyn 21 jirka weerarka uga ciyaara Everton Anthony Gordon. (Caughtoffside)

Tottenham iyo Liverpool ayaa ka mid ah kooxaha ay Villarreal u soo bandhigtay 25 jirka garabka uga ciyaara Netherlands Arnaut Danjuma , laakiin kooxda reer Spain ayaa dalabyo ka heshay Everton iyo kooxdii hore ee Bournemouth. (Relevo)

Weeraryahanka kooxda Orlando City iyo xulka qaranka Uruguay ee Facundo Torres, oo 22 jir ah, ayaa sheegay in Arsenal ay wada hadalo ku saabsan saxiixiisa la qaadatay. (GOAL)

Brighton ayaa xiiso u qabta 24 jirka reer Argentine ee Valentin Castellanos kaas oo amaah kula jooga Girona kana yimid New York City.(Independent)

Daafaca France William Saliba, oo 21 jir ah, ayaa sheegay inuu “aad ugu faraxsan yahay” Arsenal iyadoo ay sii socdaan wadahadalada ku saabsan heshiis cusub. (Independent)

Juventus ayaa mudnaanta siin doonta saxiixa Roma iyo daaficii hore ee England Chris Smalling, 33, qandaraas bilaash ah xagaagan. (Tuttosport)

Kooxo badan oo Championship iyo League One ah ayaa xiriir la sameeyay Chelsea oo ku saabsan inay amaah ugu dhaqaaqaan 19 jirka daafaca uga ciyaara England Bashir Humphreys, kaasoo kulankiisii ​​ugu horeysay u saftay kulankii wareega seddexaad ee FA Cup oo ay la ciyaareen Manchester City. (Football Insider )

Norwich ayaa bartilmaameedsan doonta 30 jirka daafaca midig ee Ingariiska ee Middlesbrough Tommy Smith haddii Max Aarons, oo 23 jir ah uu baxo Janaayo. (Mirror)

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*